Thursday, April 25th, 2024
header










Meta







Naag xamili kari weyday jacaylka ninkeeda u qabo oo furiin dalbatey

Carabta khaliijka ku nool waxa caadi u ah inay markasta isha ku hayaan xaasaskooda, taas oo aan jacayl ka ahayn ee ay ka tahay masayr ay ka qabaan in loo weydaarto.

Waxa marar badan aan ka maqlaa haween Somaliyeed oo leh bal fiiriya sida ninkaas carbeed naagtiisa ugu daba dhegan yahay mase oga in waxani jacayl ahayn. Hadaba naag Imaaraati ah oo qaati ka joogsatey nin aad u jecel ayaa dalbatey furiin.



Waa u caadi Carabtaas in ninku naagtiisa u soo adeego maadaama uuna ku aaminayn suuqa iyo weliba dhaqanka jira awgeed. Hadaba haweenaydan waxay leedahay ninkeyga waa kariyaa cuntada, guriga waa nadiifiyaa, wuxuuna ii qabaa jacayl saaida.



”Naqaska ayaa igu dhegay, jacayl intaas ka badan ma qaadi karo, xataa ilama murmo, iga tag iguma yiraa, ma xamili karo jacayl sidaasa waa in leyga furaa ayay tiri.

Nolosheyda kor iyo hoos ayay u jeedaa, hal maalin oo murana ma Jiro, had iyo jeer amaan joogta ah, waxaan u baahanahay dood xalaala oo kala duwan, taasi ma dhacayso. Ninkaan hala iga furo.



Buurnaanta ninka

Waxa jirtey cabasho ka timi buurnaantiisa tiina waxa la sheegay inuu markiiba bilaabey siduu isku caateyn lahaa, kadibna lug wax ka noqdey is caateyntii.

Ninkeeda ayaa sheegay inuuna waxba galabsan, kana codsaday maxkamada inayna ogolaanin furiinka. Maxkamada ayaa dacwada haweenayda dib u dhigtey dalbateyna in la kala dhexgalo.



Waxa qisadan mid la mida iyadna ninkeeda looga furey haweenay macalimad ah dalkaasi Masar oo sheegtay in ninkeedu miskiin dhaafay oo go’aamada badankooda aan anigu sameeyo. Caruurta ma edbinaayo ayay tiri.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS



Readers Comments (0)

Comments are closed.

Wararka xiga

Iiraan oo gaartay lix guul oo horleh weerarkii Yuhuuda

April, 16, 2024
Weerarkii Iiraan ay ku qaaday Yuhuuda ayadoo la ...

Yuhuuda oo qiratay in saldhig milatari iyo gego diyaaradeedba ku daayeen

April, 14, 2024
Weerarki xalay ee Iiraan ku qaaday Yuhuuda oo ...

Maraykanku ma ku dhacaa inuu weeraro Iiraan kadib weerarkii Yuhuuda?

April, 14, 2024
Iiraan ayaa hurdada u diiday Yuhuuda iyo kooxda ...

Wadamada Kuwayd, Qadar oo Maraykanka u diiday

April, 13, 2024
Wadamada Kuwayd iyo Qadar ayaa Maryaykanka u diiday ...

Iiraan oo maskaxiyan u dishay Yuhuuda xilli ayna far

April, 13, 2024
Iiraan ayaa wacad ku martay inay ka aargoosato ...

Dhacdooyinka

Sucuudiga oo safar raali gelina ugu tagay dabadhilifka Yukrayn

February, 26, 2023
Ayadoo madax ka tirsan Sacuudiga ayna weligood booqan ...

Dhulbahante oo ugu dambeyn ku heshiiyay inay is xoreeyaan

December, 31, 2022
Dhulbahante oo caadiyan ka kala adeegta maamul jufeedyada ...

Imaaraadka oo qirtey inay dhaceen maamulka Somalilaan

December, 29, 2022
Itoobiya ayaa iyadu ka baxday saami uu Tigreegii ...

Nin gabdhaha daroogeeya kadibna muuqaal ka duubta oo la qabtey

November, 20, 2022
Muqdisho caasimadii hore ee dalka ayaa noqotey bahalo ...

Ruushka iyo Shiinaha oo noqday saaxiibka keliya ee Somaliya

November, 20, 2022
Kooxda Xalane ayaa markale Somaliya ku giijisay cunaqabataynta ...

Qadar oo koobka adduunka ka faaiidey dad badan oo diinta qaatay

November, 20, 2022
Waxa furmay koobkii kubadda cagta adduunka waxana guuldaro ...

Madaxweynaha FIFA oo reer galbeedka ku tuntey

November, 20, 2022
Ayadoo maanta ay bilaabmayso koobka kubadda cagta aduunka ...