Saturday, April 20th, 2024
header










Meta







Qisada haweenay uurleh oo ninkeeda naag kale u guurisay

Caatiqa waa haweenay hadda uurleh oo sida ilmihii shanaad isla markaana ayna jirin wax dhibaato ah oo is faham la’aana oo u dhexeeya iyada iyo ninkeeda. ”Waxaan ku noolahay nolol degan mana jirto dhib na haysaa ayay tiri Caatiqa.

Waxa caadi ah in haweenku marnaba ogolaan in ninkeeda lala wadaago inkastoo RABIGA uumey u ogolaadey inay xalaal u tahay ilaa Afar haddii ay ka bixi karaan shuruuda ku xiran.

Caatiqa ayaa xilli nolosheeda nugushahay ku fekertey inay ninkeeda u doorto naag kale oo ilaalisa hal gurina kuwada noolaadaan. ”Waxaan go’aansaday inaan adkeeyo dareenka ninkeyga xilligan aan uurka leehay inkastoo hore u diidanaa in layla guursado.

Waxa dhacda marmar inaan u baahanahay in gaari laygu riixo, waxaanan ku fekeray haddii taydii noqoto yaa caruurteyda iyo ninkeyga u miciina. Marka waa inaan helo mid noo wada miciinta dareenka ninkeyga ilaalisa.



Waxaan baraha bulshada kula saaxiibey haweenay la soo furey laakiin caruur haysan, waxaanan u soo jeediyay inaan u dhiso ninkeyga. Waa iga diidey markii hore laakiin wada sheekaysi aan muddo dheer socon way ku qanacdey inay nagu soo biirto, waxayna noogu timi guriga si ay noola afurto, waxayna aragtey farxada guriga taala.

Sidee arooska u dhacay

Waxaan samayney aroos fudud oo ayna ku bixin qarashaad badan, haddana way nala joogtaa caruurteyduna waa faraxsan yihiin, waxanan ku suganahay nolol farxadleh ayay tiri Caatiqa.

Xaaska cusub maxay ka qabtey in lala guursado




Waxaan ka mid ahaa haweenka sida xooga ah uga soo horjeeda in ninkeyga ila guursado naag kale laakiin markaan arkey sida naago badan oo ninkeoodu la qabo ugu noolyihiin nolol caadiya waan bedelay fikirkaas. Waxana taas ii dheer anagii oo hadda ku jira nolol raaxa leh.

Dhacdooyinka sidana waa naadir inkastoo laga yaabo inayna tii ugu horeysay ahayn laakiin qaabka ay u dhacdey ay noqon karto tii koowaad.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS



Readers Comments (0)

Comments are closed.

Wararka xiga

Iiraan oo gaartay lix guul oo horleh weerarkii Yuhuuda

April, 16, 2024
Weerarkii Iiraan ay ku qaaday Yuhuuda ayadoo la ...

Yuhuuda oo qiratay in saldhig milatari iyo gego diyaaradeedba ku daayeen

April, 14, 2024
Weerarki xalay ee Iiraan ku qaaday Yuhuuda oo ...

Maraykanku ma ku dhacaa inuu weeraro Iiraan kadib weerarkii Yuhuuda?

April, 14, 2024
Iiraan ayaa hurdada u diiday Yuhuuda iyo kooxda ...

Wadamada Kuwayd, Qadar oo Maraykanka u diiday

April, 13, 2024
Wadamada Kuwayd iyo Qadar ayaa Maryaykanka u diiday ...

Iiraan oo maskaxiyan u dishay Yuhuuda xilli ayna far

April, 13, 2024
Iiraan ayaa wacad ku martay inay ka aargoosato ...

Dhacdooyinka

Sucuudiga oo safar raali gelina ugu tagay dabadhilifka Yukrayn

February, 26, 2023
Ayadoo madax ka tirsan Sacuudiga ayna weligood booqan ...

Dhulbahante oo ugu dambeyn ku heshiiyay inay is xoreeyaan

December, 31, 2022
Dhulbahante oo caadiyan ka kala adeegta maamul jufeedyada ...

Imaaraadka oo qirtey inay dhaceen maamulka Somalilaan

December, 29, 2022
Itoobiya ayaa iyadu ka baxday saami uu Tigreegii ...

Nin gabdhaha daroogeeya kadibna muuqaal ka duubta oo la qabtey

November, 20, 2022
Muqdisho caasimadii hore ee dalka ayaa noqotey bahalo ...

Ruushka iyo Shiinaha oo noqday saaxiibka keliya ee Somaliya

November, 20, 2022
Kooxda Xalane ayaa markale Somaliya ku giijisay cunaqabataynta ...

Qadar oo koobka adduunka ka faaiidey dad badan oo diinta qaatay

November, 20, 2022
Waxa furmay koobkii kubadda cagta adduunka waxana guuldaro ...

Madaxweynaha FIFA oo reer galbeedka ku tuntey

November, 20, 2022
Ayadoo maanta ay bilaabmayso koobka kubadda cagta aduunka ...