Friday, April 26th, 2024
header










Meta







Ninka Hadimo Taliyaw Adigaa U Halis Ah (Qalinkii Cabdi-Shootali)

Waxa hore loo yidhi ” Booraan hadimo ha qodin, hadaad qodana ha dheerayn, ku dhici doon-taana ma ogide” oo micnaha looga jeedaa uu yahay, hadaad ku tallo gasho, in aad godob gasho ama dhibaato iyo xumaan ku abuurto qof aan waxba kugu samayn, colaad-ba aan kuu qabin in aad ku wanjasho, oo wax ku haystaa uu yahay cidhib-tiisa goo sabab qabiileed, cuqdad aan laguu qabina aad iska dhaadhiciso, denbi aan lagaa gelin isku abuurtid,



Illaah baa ku arka in aad tahay shar doon balaayo raadis ah, oo aanay waxba ka qarsoonayn, aakhir-kana adiga bay ku soo dabartaa, oo hoggii aad u qodaysay ciddii aad doonaysay in ay ku dhacaan, alle baa ka badbaa-diya. Waxay-na ku dambaysaa in aad adigu xorfaddii aad qodaysay badhtanka u fadhiisatid, oo ay dooniyi iskula kaa rogto bad weyn adigoon dabaal aqoon.

Hadaad dad aan wax kuu geysan iska daba gasho, oo aad iska jeclaysato uun in ay wax ku dhacaan ama ku nacdid muxuu wax u noqday, adiga oo diidan hibadda eebbe siiyey iyo wuu ka badan yahay, ka makh-ruuqdo magaciisa, isagoon waxba kuu geysan, ku leh sinaan, cadaalad iyo wax wadda lahaanso aynu ku wadda noolaano, waxa inaga dhaxeeyana aan xaq u qaybsano, laakiin aad isla soo taagtid uun maya, ee aan kaa badsado ee i hoos fadhi, wax soconaaya maaha, rabbi ma ogola sidaas, waxana aad ka dhaxashaa in wixii aad dadka kale la doonaysay adiga kugu keliyoo-baan, oo aad cawaaqib-keedda maashid ficiladdii aad ku kacday.



Waxa iyana ahayd murti soo jireen ah ” Ninka hadimo taliyaw adigaa u halis ah” waxay tahay u jeedadu, qofkii ruux kale in uu wax-yeelo la rabaa, isaga baa wixii uu doonaayey ku dambeeyaan, oo ay cuskadaan, ku dhacaan oo dib u qoomameeya falalkii uu fuliyey. maanta waxan u soo qaatay odhaahdan, oo ah dhab in hor taagaan, oo aan la is diidsiin karaynin, in kuwii taageersanaa askariga la yidhaaho ” Ragii ma adigaa ka hadhay” ee kaadhadhkii foodka ee dan yarta ka iibsanaayey,



reer hebel u gabaaro-gurdey-naayey, is lahaa wax buu idiin qabanayaa, oo beel ahaan baad wax dheeraad ah iyo sad-bursiinyo ku helaysaan, uu kaadhku isku rogay, cabaadka wadhaya, debed loo saydhay maatadooddii, dhulkii laga qaaday, oo godobtii ay u galeen iyo eexddii ahayd tolaayeey ay boqnaha goysay.

 

Akhristaw waad maqlaysaa oohinta ka yeedhaysa kuwii wax aanay hubin durbaanka ugu tumaayey askariga, hadaba saw seeftii idin ma leefin aad dar kale u afayseen? Maxaad hadda ka haysaan ee keenay qayladda? iyo naga qabtaay, abaal-kiinii waa kaas aad hadda hesheen ee ku ab-Shira, wax idiin damqanaaya baa iska yare.


Mana cas-casa ee weli wixiisii xilka lahaa waa idinla maagan yahay, qaar badan oo kale buu rari doonaa oo soo socdda, kuwaas oo ah kuwii u doodi jirey, ee booblkii foodka xaqa ku sheegaayey. Waxan leeyahay joojiya ilmadda aad qubay-saan waa taad ugu foodeen beri buu xadka ka talaabay buu mujaahid ku noqdaye, oo wuxuu askarigu idinku sameeyo ku ayidda. tolaayddii miyaad ka biyo fiideen imika, waat xejista khaadka,oo dhama dhitaddii aaf lulateen ciirteedda.



Nabsigu waa daruuraha cirka iyo sidda dabay-shaas, kolba dhan u heega dhacaya, waad taqaaneen wuxu yahay askarigu, oo waad u badheedheene, ka malaa waxa is lahay-deen wuu is bedeliye, gunta ma soo taabateen in aanu wax jira ahayn iyo laguma dhaamee dhaqaaq. Boobka ma idinku cadeeyey? Oo ma idinka xoogay dhulkii aad ab iyo isir degenay-deen awoow-ka-awoow. Sharci baanu u haysnaa iyo anakaa lahayn abid ma la isla soo dhaafay.



Waxan ku dabray qoraalkan. tallo maalin bay ahayd, waana ay ku dhaaftay ayaantii aad ka fiirsan lahayd, ee aad wada jirka iyo cadaaladda u hiilin lahayd. iyo wanaaga guud-na aad xeerin lahayd. Wax aad maanta la qaylisaan idiin ma banaana. raganimo, daacad aad dal-kaaga iyo dad-kaaga u noqoto, waa taad ganafka ku dhufateen. ee ka daaya la idinka waayey, tidhaaheen sidaas bay noogu caano badisaa, ee hadaba xoor-keedda dhama waa taas hashiii aad dhurwaaga u tu’iseen doofaarka diin dhashaye.



Nin baa laga hayaa ” Dooni yahay waanu kugu wadda jirnaa na ka jab” Waxan ku soo khatimay oo kama dambayn ah, aynu wadda wayno somaliland, sidaas bay qof walba dani ugu jirtaa, oo aynu ku tashanay wadda jir ahaane. cirka ha isku shareerto, ciddii wax ku qabtay-ba ha seegeene.

* N.B Nin-ba Tacabkii Talloy Kaa Maal.
Qore:- Cabdi-Shootali



Readers Comments (0)

Comments are closed.

Wararka xiga

Iiraan oo gaartay lix guul oo horleh weerarkii Yuhuuda

April, 16, 2024
Weerarkii Iiraan ay ku qaaday Yuhuuda ayadoo la ...

Yuhuuda oo qiratay in saldhig milatari iyo gego diyaaradeedba ku daayeen

April, 14, 2024
Weerarki xalay ee Iiraan ku qaaday Yuhuuda oo ...

Maraykanku ma ku dhacaa inuu weeraro Iiraan kadib weerarkii Yuhuuda?

April, 14, 2024
Iiraan ayaa hurdada u diiday Yuhuuda iyo kooxda ...

Wadamada Kuwayd, Qadar oo Maraykanka u diiday

April, 13, 2024
Wadamada Kuwayd iyo Qadar ayaa Maryaykanka u diiday ...

Iiraan oo maskaxiyan u dishay Yuhuuda xilli ayna far

April, 13, 2024
Iiraan ayaa wacad ku martay inay ka aargoosato ...

Dhacdooyinka

Sucuudiga oo safar raali gelina ugu tagay dabadhilifka Yukrayn

February, 26, 2023
Ayadoo madax ka tirsan Sacuudiga ayna weligood booqan ...

Dhulbahante oo ugu dambeyn ku heshiiyay inay is xoreeyaan

December, 31, 2022
Dhulbahante oo caadiyan ka kala adeegta maamul jufeedyada ...

Imaaraadka oo qirtey inay dhaceen maamulka Somalilaan

December, 29, 2022
Itoobiya ayaa iyadu ka baxday saami uu Tigreegii ...

Nin gabdhaha daroogeeya kadibna muuqaal ka duubta oo la qabtey

November, 20, 2022
Muqdisho caasimadii hore ee dalka ayaa noqotey bahalo ...

Ruushka iyo Shiinaha oo noqday saaxiibka keliya ee Somaliya

November, 20, 2022
Kooxda Xalane ayaa markale Somaliya ku giijisay cunaqabataynta ...

Qadar oo koobka adduunka ka faaiidey dad badan oo diinta qaatay

November, 20, 2022
Waxa furmay koobkii kubadda cagta adduunka waxana guuldaro ...

Madaxweynaha FIFA oo reer galbeedka ku tuntey

November, 20, 2022
Ayadoo maanta ay bilaabmayso koobka kubadda cagta aduunka ...