Friday, April 26th, 2024
header










Meta







Qoraa Mukhtar Ali Adan Oo Ka Baxsaday Awdal (Qalinkii Cabdi-shootali)

Odhaah ay reer Burco inta badan ku isticmaalaan dadka balaayo doonka ah,
ee qas iyo dhibaato uun u taagan, ee ay shaqadoo-duba tahay wareer uun abuur, ( Sidda labadda askari) waa kuwa ku jira guriggii morgan ee Hargeysa, kuna sheegaan ” Xaafad-tooyadda” baa waxay tahay weedhaasi ” Ninkii cawlo cunay, cid dayn maayee, ninkii cagalo iskaga carar”



Waxan u soo qaatay sheekadan hadaba maanta, Cawlo waxay noqotay Somaliland, oo ay dhalintii wax baratay ka caymaday, markii ay u adkaysan waayeen caga julaynta asakrta dhegaha xidhan iyo dhuuni raac-yadda u adeega. aan dib ugu soo noqdo cinwaanka kor ku yaalaa wuxuu inoo iftiimi-naayo’e. ku soo dhawaadda, waa arimo xaqiiq ahe.



Horaa loo yidhi ” Casaanka yar baa ku caawinayee, wallee cawlaw cidlaad tahay” ( Nabadda shicibku faraha ku hayo), bay ku sii jiitama-saaye, oo weliba aan loo ogolayne, tani bakeeri jabay iga dheh, dib u soo laaban mayso’e.

Maxaa lagu haystaa Mukhtar Ali Adan”? Waa nin da’yar oo qoraa ah, una dhashay Gobolka Awdal ( Boorame), oo wax ku bartay, kana soo baxay Jaamacadda Camuud, waa nin suxufi ah, oo qoraaya weyna ah, saxaafaduna ay soo daabacdo qoraaladda had iyo jeer, uu ku qaadaa-dhigaayo anshax xumidda maamulka askarta, ka amar ku taag-leeya Hargeysa, kaas oo ku salaysan boob aan hantidda ummadda loo midaan deyeyn, ab-tirsiimo loo kala saaro beelo, oo la kala xigtaysto, musuq aan aabo lahayn, ee loo kala beretamaayo, xukun beelaysan iyo qaar kale la colaw,



Dalkii oo kala badh puntland u gacan galay, jabhado ka dilaacay iyo dagaallo is daba joog ah, Muwaadiniintii caadiga ahayd oo dhul-kooddii khasab lagaga qaadaayo, oo aynu cadceed soo baxda-ba aragno waxa ka dhacaaya iyo dagaalka ka taagan, buu goor walba ka hadlaa Qoraa Mukhtar Ali Adaan. Hore baad u ogaydeen, in Hadhwanaag, Jaraa’idka qaar iyo Tv-yadda gaarka loo leeyahay dhlaintii ka shaqaynaysay ay xamar galeen, markii ay ku amaan waayeen dhul-kooddii hooyo.



Tiro aan xad lahaynila iska xidh-xidhay, oo isugu jira Abwaano, macalimiin, suxufiyiin, kuwo dhul-kooddii loogu xoog sheegtay iyo in kaloo aan la soo koobi karin. sidaasi markii ay dhacday waa kuwaas barbaartii cagta ku dhuftay, ee noqday in tahriibta iyo in Xamar u yaacdda. Muktaar Ali Adan baa ugu dambeeyey oo isna ka baxsaday Somaliland, ee saw lagama dareerin, oo may noqqon i-bixiyaw I-bixi.



Mukhtaar wuxu mudo laba bilood ah ugu xidhnaa jeelka Boorame, Ninka sheegta in uu ku xigo askariga la yidhaaho ” Raggii ma adigaa ka hadhay”, ee lagu magacaabo Saylici, waxa ugu tegay Jeelka hay’yadda u doodda xuquuqal insaanak ee la yidhaaho ” Amnesty International” oo ka sii daayey, mudo imika bil ku dhawaad ah.



Waxa lagu sameeyey jidh dil, dhamaan jidh-kiisa, markii uu maalmo nastay, isaga oo kolkaas la jooga reer-kiisii, baa daraad lagu yidhi Saylici baa yidhi dib u soo xidha, ka dib-na wuu ka baxsaday, oo wuu ka baxay xuduudda, waayo si kale oo uu u badbaadayaa ma jirto’e.



Waxana lagu haystaa maxaad u kashifaysaa, waxa aanu walaaqayno iyo benta aanu dadka ku maaweelinayno, waa meel aan sharci iyo distoor mid-na aanu ooline, ilayn wax kale meesha ma yaalaan aan hayan, jeebka buuxso, jeelka u xabaadh, oo inba gees isugu dire, qaybi oo xukune, oo ka dhex faa’iidayso is-haynta ummadda, markaad foodda isu geliso’e. si ay cimri dherer ugu noqoto, Waxan ku soo dabray qoraalkan, ummad yahay, dib dambe ha ugu riyoonina wax Somaliland la yidhaaho, waa taas dabadda rogataye.

* N.B Casaanka Yar Baa Ku Caawinayee, Wallee Cawlooy Cidlaad tahay!
Qore:- Abdi-Shotaly.
ashotaly5@gmail.com



Readers Comments (0)

Comments are closed.

Wararka xiga

Iiraan oo gaartay lix guul oo horleh weerarkii Yuhuuda

April, 16, 2024
Weerarkii Iiraan ay ku qaaday Yuhuuda ayadoo la ...

Yuhuuda oo qiratay in saldhig milatari iyo gego diyaaradeedba ku daayeen

April, 14, 2024
Weerarki xalay ee Iiraan ku qaaday Yuhuuda oo ...

Maraykanku ma ku dhacaa inuu weeraro Iiraan kadib weerarkii Yuhuuda?

April, 14, 2024
Iiraan ayaa hurdada u diiday Yuhuuda iyo kooxda ...

Wadamada Kuwayd, Qadar oo Maraykanka u diiday

April, 13, 2024
Wadamada Kuwayd iyo Qadar ayaa Maryaykanka u diiday ...

Iiraan oo maskaxiyan u dishay Yuhuuda xilli ayna far

April, 13, 2024
Iiraan ayaa wacad ku martay inay ka aargoosato ...

Dhacdooyinka

Sucuudiga oo safar raali gelina ugu tagay dabadhilifka Yukrayn

February, 26, 2023
Ayadoo madax ka tirsan Sacuudiga ayna weligood booqan ...

Dhulbahante oo ugu dambeyn ku heshiiyay inay is xoreeyaan

December, 31, 2022
Dhulbahante oo caadiyan ka kala adeegta maamul jufeedyada ...

Imaaraadka oo qirtey inay dhaceen maamulka Somalilaan

December, 29, 2022
Itoobiya ayaa iyadu ka baxday saami uu Tigreegii ...

Nin gabdhaha daroogeeya kadibna muuqaal ka duubta oo la qabtey

November, 20, 2022
Muqdisho caasimadii hore ee dalka ayaa noqotey bahalo ...

Ruushka iyo Shiinaha oo noqday saaxiibka keliya ee Somaliya

November, 20, 2022
Kooxda Xalane ayaa markale Somaliya ku giijisay cunaqabataynta ...

Qadar oo koobka adduunka ka faaiidey dad badan oo diinta qaatay

November, 20, 2022
Waxa furmay koobkii kubadda cagta adduunka waxana guuldaro ...

Madaxweynaha FIFA oo reer galbeedka ku tuntey

November, 20, 2022
Ayadoo maanta ay bilaabmayso koobka kubadda cagta aduunka ...