Odayaasha dhaqanka ee beelaha dega gobolka Jubada dhexe ayaa soo gabagabeeyay qeybsigii kuraasta baarlamaanka ee gobolka Jubada dhexe. Waxaa sidoo kale la guda galay qeybsiga kuraasta gobolka Gedo iyadoo la qeybsaday laba kamida ah degmooyinka gobolka Gedo.
Sida uu dhigayo Dastuurka Jubaland gobolka Jubada dhexe waxaa baarlamaanka Jubaland kasoo galaysa 16 xildhibaan oo ku salaysan afarta degmo ee uu gobolka ka kooban yahay.
Shan beelood ayaa qeybsaday kuraastii gobolka Jubada dhexe kuwaas oo kala ah Absame,Digil iyo mirifle,Ajuuraan,Sheekhaal iyo Jareer weyne.
Kuraasta xildhibaanada ayaa loo qaybsaday sidan Nidaamka soo socda:-
Gobolka Jubada dhexe
Bu’aaale:
Absame 2 xildhibaan
Ajuuraan 1 xildhibaan
Jareerweyne 1 xildhibaan
Saakow
Digil iyo mirifle 3 xildhibaan
Absame 1 xildhibaan
Salagle
Absame 3 xildhibaan
Digil iyo mirifle 1 xildhibaan
Jilib
Absame 1 xildhibaan
Tunni/Digil iyo mirifle 1 xildhibaan
Sheekhaal 1 xildhibaan
Jareer weyne 1 xildhibaan
Gobolka Gedo
Sidii aan horay idiinku sheegnay gobolka Gedo waxaa laga gaaray 2 degmo oo kaliya oo kala ah Garbahaarey iyo Baledxaawo iyadoo degmooyinka dhiman bari la guda geli doono hadii Alle idmo.
Garbahaarey
Sade 3 xildhibaan
Digil iyo mirifle 1 xildhibaan
Baledxaawo
Sade 4 xildhibaan
Qaybsiga kuraasta Gobolka Jubada hoose ayaa loo dambaysiiyay waxaana la guda geli doonaa marka laga faaruqo gobolka Gedo.
C/llaahi Warmooge
ARAABINEWS