Monday, May 20th, 2024
header










Meta







Qabiiladey ka soo jeedaan golaha wasiirada ee lagu dhawaaqay yaase ku dulman afar afarta loo qaybshay

astaanta-qaranka-620x264[1]Muqdisho—Iyadoo xukuumada Somaliya ku dhisan tahay qabiil loo yaqaan 4.5 ayaa hadana wasiirada loo qaybiyay min afar afar beelaha ah hadaba yay yihiin wasiirada iyo qabiiladoodu yaase markasta ku dulimin halka Xasan Culusow iyo R/wasaarihii uu magacaabaa soo dejiyaan muuqaal sidana.

. Maxamed Cumar Carte Ra’iisul Wasaare Ku Xigeen ahna Wasiirka Shaqada, Dhalinyarada & Sportiga waa Isaaq ,Habar Awal.

2. Axmed Xasan Gaboobe Wasaaradda Cadaaladda & Arrimaha Diinta waa Dir,Biyo Maal,Gaadsan.

3. Cabdiraxman Maxamed Xuseen Odowaa Wasaaradda Arrimaha Gudaha & Federaalka waa Hawiye,Habargidir.

4. Maxamed Aadan Ibraahim “Fargeti” Wasaaradda Maaliyadda waa Raxanweyn.

5. Cabdulqaadir Sh. Cali Diini Wasaaradda Gaashaandhigga waa Daarood, Mareexaan waana Taliyahii hore ee Ciidanka xooga dalka Somalia.

6. Cabdisalaan Hadliye Cumar Wasaaradda Arrimaha Dibadda waa Samaroon, reer Nuur.

7. Khadra Bashiir Cali Wasaaradda Waxbarashada waa Daarood,Leelkase waxay leeday hay’ad madax banaan (NGO).

8. Fahad Yaasiin Xaji Dahir Wasaaradda Dekedaha & Gaadiidka Badda ,Hawiye wuxuu horey u ahaan jiray Wariye ka soo shaqeeyay Telefishinka AlJazeera.

9. Cabdiraxman Yusuf Cali Caynte Wasaaradda Qorshaynta & Iskaashiga Caalamiga , Waa Hawiye wuxuu ahaan jiray wariye ka soo shaqeeyay VOA iyo Aljazeera,wuxuuna Muqdisho ka furtay Machad-ka Heritage.

10. Nuur Faarax Xirsi Wasaaradda Dastuurka ,Waa Isaaq, wuxuuna ahaa Safiirka Malaysia u fadhiya Somaliya.

11. Guuled Xuseen Qaasim Wasaaradda Warfaafinta & Isgaarsiinta waa Daarood ,Ogaadeen waxaa dhalay nin Wasiir ka ahaan jiray Dowladii Maxamed Siyaad Barre oo la dhihi jiray Xuseen Cabduqadir Qaasim,oo ahaa Wasiirkii Batroolka.

12. Cali Axmed Jaamac “Jangali” Wasaaradda Gaadiidka & Duulista Hawada waa Dhulbahante wuxuu ahaan jiray Wasiirkii hore ee Arrimaha dibadda xilligii Cabdullahi Yusuf.

13. Siciid Xuseen Ciid Wasaaradda Xanaanada Xoolaha, Dhirta & Daaqa waa Meheeri,Carab Saalax.

14. Cali Xasan Cusmaan Wasaaradda Beeraha waa Raxanweyn.

15. Xasan Axmed Muudeey Wasaaradda Ganacsiga & Warshadaha waa Jareerweyne,Shiidle.

16. Saalax Sh. Cusmaan Muuse Wasaaradda Howlaha Guud & Dib-U-Dhiska waa Digil.

17. Sahra Maxamed Cali Samatar Wasaaradda Haweenka & Hormarinta Xuquuqda Aadanaha waa Tumaal waxaa dhalay halyeygii Sareeya Guuto Maxamed Cali Samatar,Madaxweyne ku xigeenkii dawladii ugu dambeysay dawlad qaran.

18. Maxamed Mukhtaar Ibrahim Wasaaradda Kaluumeysiga & Kheyraadka Badda waa Hawiye.

19. Cabdirisaaq Cumar Maxamed Wasaaradda Batroolka, Biyaha & Kheyraadka Dabiiciga waa Hawiye.

20. Xaawo Xasan Maxamed Wasaaradda Caafimaadka waa Raxanweyn.

Marka aad fiiriso shaxda kore waxa markasta ku dulman beelaha Dir iyo beesha shanaad waxana kuu muuqda in sadexda qabiil ee kale ay leeyihiin min shan halka Dir iyo beesha shanaad ay leeyihiin afar kaliya ku xisaabtan R/wasaare Cumar C/rashiid wuxuu matalaa qabiilkiisa halka Xasan Culusow iyo Jawaari iyaguna matalaan jufooyinkooda.

Waa cadaaladii yayga maxaanad ka filaysaa kooxda Xasan Culusow in ay wax u qabtaan halka ay isku diyaarinayaan sidii ay kuraasta u dheeraysan lahaayeen.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS

Readers Comments (0)

Comments are closed.

Wararka xiga

Iiraan oo gaartay lix guul oo horleh weerarkii Yuhuuda

April, 16, 2024
Weerarkii Iiraan ay ku qaaday Yuhuuda ayadoo la ...

Yuhuuda oo qiratay in saldhig milatari iyo gego diyaaradeedba ku daayeen

April, 14, 2024
Weerarki xalay ee Iiraan ku qaaday Yuhuuda oo ...

Maraykanku ma ku dhacaa inuu weeraro Iiraan kadib weerarkii Yuhuuda?

April, 14, 2024
Iiraan ayaa hurdada u diiday Yuhuuda iyo kooxda ...

Wadamada Kuwayd, Qadar oo Maraykanka u diiday

April, 13, 2024
Wadamada Kuwayd iyo Qadar ayaa Maryaykanka u diiday ...

Iiraan oo maskaxiyan u dishay Yuhuuda xilli ayna far

April, 13, 2024
Iiraan ayaa wacad ku martay inay ka aargoosato ...

Dhacdooyinka

Sucuudiga oo safar raali gelina ugu tagay dabadhilifka Yukrayn

February, 26, 2023
Ayadoo madax ka tirsan Sacuudiga ayna weligood booqan ...

Dhulbahante oo ugu dambeyn ku heshiiyay inay is xoreeyaan

December, 31, 2022
Dhulbahante oo caadiyan ka kala adeegta maamul jufeedyada ...

Imaaraadka oo qirtey inay dhaceen maamulka Somalilaan

December, 29, 2022
Itoobiya ayaa iyadu ka baxday saami uu Tigreegii ...

Nin gabdhaha daroogeeya kadibna muuqaal ka duubta oo la qabtey

November, 20, 2022
Muqdisho caasimadii hore ee dalka ayaa noqotey bahalo ...

Ruushka iyo Shiinaha oo noqday saaxiibka keliya ee Somaliya

November, 20, 2022
Kooxda Xalane ayaa markale Somaliya ku giijisay cunaqabataynta ...

Qadar oo koobka adduunka ka faaiidey dad badan oo diinta qaatay

November, 20, 2022
Waxa furmay koobkii kubadda cagta adduunka waxana guuldaro ...

Madaxweynaha FIFA oo reer galbeedka ku tuntey

November, 20, 2022
Ayadoo maanta ay bilaabmayso koobka kubadda cagta aduunka ...