Tuesday, August 16th, 2022
header










Meta







Waa ayo wasiirka cusub ee arimaha dibedda Somaliya Dr C/salaan Xaaji Hadliye

Waxa xalay lagu dhawaaqay golaha wasiirada xukuumada Somaliya waxana loo qaybiyay afar afar wasiir nidaamka jira ee lagu go,ay ee loo yaqaan 4.5 kaas hadaba waa ayo wasiirka cusub ee arimaha dibeda Dr C/salaam Xaaji Hadliye Cumar.

Intiina sida fiican ula socota siyaasada murugsan ee Somaliya oo dhan wuxuu sanad kahor muddo lix bilood ah hayay bangiga dhexe ee Somaliya halkaas oo kadib lagu eedeeyay inuu lunsaday lacago badan oo Somalidu leedahay inkastoo taasi markii dambe been noqotey.

C/salaam wuxuu ka soo jeeda gobolka Awdal oo aad moodo in hadda booskaa looga maarmi waayay sababo la garan waayay.

C/salaam wuxuu leeyahay taariikh shaqsiyeed oo aad u xoogan wuxuu tacliin ka gaaray darajada ugu saraysa wuxuuna ka shaqeeyay wadamada ugu horumarsan aduunyada,,marka xagaas wuxuu noqonayaa ninka ugu mutacalimsan wasiirada la magacaabay.

Booska wasiirada Somaliya ayaa intooda badan ah kuwa shaqsiyana inkastoo ay ku magacaaban yihiin in uu jufo ka soo jeedo,,C/salaam heerka uu ka gaaray waxbarasho lafahiisa mooyee lama soo sheegin in uu wax u qabtey deegaanka uu ka soo jeedo.

Taas oo dad badan ka dhigeysa in ay tabaan wasiirkii isaga ka horeeyay ee booska ku waayay is jiid jiidka qaar ka mida xubnaha barlamaanka ee daacada u ah xisbiga Xasan Sheekh.

Waxaan warbixintan ku soo koobayaa wasiirka cusub ee reer Awdal ma noqonayaa wasiir wax looga aayo mise waa yaad ii taqaanaan ma idinkaa I magacaabay.

64744_923044174412393_6716598404038086351_n[1]

Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS Nagala soo xiriir araabimedia@gmail.com

Readers Comments (0)

Comments are closed.

Wararka xiga

Dhiigmiiratada Shabaab oo qarxiyay ceel biyood kumanaan haraadsan

August, 15, 2022
Dhiigmiiratada shabaab ee ku qaraabata diinteena suuban ayaa ...

Reer galbeedka ku kibray Ruushka oo weecsaday qamadi Afrika u socday

August, 15, 2022
Wadamada Afrika ayaa cambaareeyay Qamadaiga Yukrayn ee heshiiska ...

Maxay Somaliya uga dhigan tahay doorashada Wilyam Ruuto

August, 15, 2022
Waxa mardhow lagu kala baxay doorashadii dalkaasi Kiiniya ...

Ciidamada Itoobiya ee ku sugan Koofur Galbeed oo is bedel sameeyay

August, 15, 2022
Ciidamadii Itoobiya ee ku sugnaa Koofur Galbeed iyo ...

Siyaasadii qaranka meel ku sheeg ma waxay noqotey tuugsi?

August, 15, 2022
Waxa haba yaraatee aan jirin siyaasadii qaranku lahaa ...

Dhacdooyinka

Somali galbeed oo welli ka qatan mashaariicda waaweyn

August, 1, 2022
Inkastoo deegaanka Somali galbeed ay ka nasteen colaadii ...

Maxaa ugu wacan in Xasan Culusow sheegan kari waayo siyaasada qaranka?

August, 1, 2022
Xasan Culusow ayaa madaxweynaha Masar ee martida uu ...

Xulafada ka dhanka ah reer galbeedka oo wadamo Muslimiina ku biirayaan

July, 14, 2022
Sidii Maraykanka iyo kooxda uu hogaamiyo ay weerar ...

Ruushka oo sheegay in askarta Maraykanku ridayaan madaafiicda Yukrayn

July, 12, 2022
Kadib markii madaafiic lala eegtay suuq shacabku ku ...

Jarmalka oo Ruushka ka baryaya inaanu ka goyn gaaska xilli ay haysato

July, 12, 2022
Jarmalka ayaa ka mid noqday kuwa dabada haysta ...

Itoobiya oo kumanaan dadkeeda ah ka soo guraysa Afrika iyo bariga dhexe

July, 10, 2022
Wasaarada arimaha dibedda ee Itoobiya ayaa sheegtay inay ...

Ruug cadaa qarxiyay sir weyn iyo fadeexad haweenkii shilinka la siiyay

July, 10, 2022
Ruug cadaa Welli Xuseen ayaa qarxiyay haween masaakiina ...