Friday, April 26th, 2024
header










Meta







Qaybtii 3: is dhexgalka dumarka iyo ragga masjidka rasuulka scw

Waxa caadiya in suuqyada iyo meelaha shaqada aanu jirin derbi u kala dhexeeya ragga iyo dumarka laakiin markay timaado masaajidka IN xilliyadan dambe uu jiro xanibaado soo wajaha haweenka oo aan ka jirin masjidkii rasuulka waqtigiisii.




Is dhexgalkii dhexmari jiray ragga iyo dumarka ee ka dhici jirey masjidka rasuulka scw scw waxay ahaayeen kuwa joogta ah waxana masjidka laftiisa nadiifin jirtey haweenay.

Waxa xaqiiqo ah in masjidka rasuulka scw scw is-dhexgalkaa darteed aan la bedelin qaabka masjidku u dhisan yahay iyo safafka salaada toona.

Qaybtan u dambeysa waxaan sii wadaynaa heerka is dhexgalkaasi taagnaa

Xadiiska Todobaad




Abuu hurayra ayaa rasuulka scw scw ka weriyay in laga yaabe in nin idinka mida uu ka sheekeeyo sariirta isagoo leh waxan ayaa na dhexmaray ani iyo xaaskeyga ma sidoo kale ay haweenay u sheegto waxa iyada iyo ninkeeda dhexmaray sariirta. Kadibna gabadh madow ayaa kacday o tiri rasuulkuu Allow haweenku way sameeyaan ragguna way sameeyaan.




Rasuulka scw oo u jawaabaya ayaa yiri ha samaynina, waxayna u dhigantaa nin shaydaana oo haweenay shaydaana kula kulmay dariiqa kadibna u galmoonaya ayadoo dadku daawanayaan.

Haweenaydii masjidka dhexdiisa dhakhtaratada ka ahayd

Xadiiskan sideedaad wuxuu tilmaamayaa sida diinta looga fogaaday

Wuxuu xadiiskani taabanayaa kaalinta haweenku ku lahaayeen masjidka rasuulka dhexdiisa iyo sida hadda taasi u jirin iskaba dhaaf dhakhtarad joogta masjidka dhexdiisa.




Waxa weriyay Maxmuud ibnu Labid wuxuu yiri markii Sacad waxa leebku ka galay xididka, mana dhaqaajin karo gacanta kadib waxa loo soo gudbiyay haweenay lagu magacaabo Rufaydah oo dhaawaca ku daaweyn jirtey masjidka.




Marka Sacad oo jiifa waxa dhaafi jiray rasuulka scw habeenkii wuxuuna weydiin jiray sidee tahay caawa ama subaxda sidee tahay subaxan kadibna Sacad wuxuu u sheegi jiray sida uu yahay.

Xadiiska Sagaalaad

Waxa weriyay Jaabir ibnu Cabdullah Alle raali haka noqdee wuxuu yiri waxaan soo raacay rasuulka scw salaadii ciida kadibna salaad ayuu galay khudbada kahor bilaa aadaana iyo Iqaama ah kadibna waa istaagay isagoo ku tiirsanaya Bilaal. Wuxuu kadibna dadka faray inay RABI ka baqaan rasuulkana scw adeecaan.




Wuxuu waaniyay ragga waxna u sheegay kadibna wuxuu u dhaqaaqay dhinaca dumarka, sidoo kale waa wacdiyay haweenka wuxuuna ku yiri bixiya sadaqada sidaad u badan tihiin waxaad xaabo u tihiin naarta.

Kadibna haweenay dhaban madow ayaa kacday waxayna weydiisay rasuulka scw maxay tahay sabatu rasuulkii Allow. Kadibna rasuulka ayaa ugu jawaabay cabashadiina ayaa badan waxaanad tustaan xaajigiina abaal daro.




Haweenka oo masjidka ku ictikaafi jiray ama ragga oo masjidka ku ictikaafi jiray haweenka oo jooga ayaa la soo weriyay, Waxa kale oo la ogyahay in Cabdullah ibnu Asubayr inuu teendhada ictikaafka ka taagtey masjidka halkaas oo haween ku daawaynayaan dhaawaca kuna quudinayaan dad gaajaysan.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS



Readers Comments (0)




Wararka xiga

Iiraan oo gaartay lix guul oo horleh weerarkii Yuhuuda

April, 16, 2024
Weerarkii Iiraan ay ku qaaday Yuhuuda ayadoo la ...

Yuhuuda oo qiratay in saldhig milatari iyo gego diyaaradeedba ku daayeen

April, 14, 2024
Weerarki xalay ee Iiraan ku qaaday Yuhuuda oo ...

Maraykanku ma ku dhacaa inuu weeraro Iiraan kadib weerarkii Yuhuuda?

April, 14, 2024
Iiraan ayaa hurdada u diiday Yuhuuda iyo kooxda ...

Wadamada Kuwayd, Qadar oo Maraykanka u diiday

April, 13, 2024
Wadamada Kuwayd iyo Qadar ayaa Maryaykanka u diiday ...

Iiraan oo maskaxiyan u dishay Yuhuuda xilli ayna far

April, 13, 2024
Iiraan ayaa wacad ku martay inay ka aargoosato ...

Dhacdooyinka

Sucuudiga oo safar raali gelina ugu tagay dabadhilifka Yukrayn

February, 26, 2023
Ayadoo madax ka tirsan Sacuudiga ayna weligood booqan ...

Dhulbahante oo ugu dambeyn ku heshiiyay inay is xoreeyaan

December, 31, 2022
Dhulbahante oo caadiyan ka kala adeegta maamul jufeedyada ...

Imaaraadka oo qirtey inay dhaceen maamulka Somalilaan

December, 29, 2022
Itoobiya ayaa iyadu ka baxday saami uu Tigreegii ...

Nin gabdhaha daroogeeya kadibna muuqaal ka duubta oo la qabtey

November, 20, 2022
Muqdisho caasimadii hore ee dalka ayaa noqotey bahalo ...

Ruushka iyo Shiinaha oo noqday saaxiibka keliya ee Somaliya

November, 20, 2022
Kooxda Xalane ayaa markale Somaliya ku giijisay cunaqabataynta ...

Qadar oo koobka adduunka ka faaiidey dad badan oo diinta qaatay

November, 20, 2022
Waxa furmay koobkii kubadda cagta adduunka waxana guuldaro ...

Madaxweynaha FIFA oo reer galbeedka ku tuntey

November, 20, 2022
Ayadoo maanta ay bilaabmayso koobka kubadda cagta aduunka ...