Monday, May 20th, 2024
header










Meta







Qisadii Murugada Badneyd Ee Ku Dhacday Caaliya (Qeybtii 3aad)

Waxay caaliya tidhi iyada oo ka warameeysa qisadeeda: iyadoo sodohdey ay aheyd islaan wanaagsan oo ehlu kheyr ah oo duca badan, waqti kasta ayay iiduceeyneysay in ilaahay caafimad isiiyo waxayna iigula talisay in aanan ka daalin cilaajka,


anigoo xaaladeeyda caafimaad ay xun tahay ayaan ilaahay amarkii aan uur labaad qaaday, run ahaantii aadban utacabsanaa waxaanan tegay dhaqtarka waxaa la ii sameeyay baadhitaan caafimaad waxay dhaqtaradu noo sheegeen war aanu ka naxnay aniga iyo zoowjkeeyga kaas oo


Odhanaya ilmaha yar ee an uurka ku sido inuu madaxiisu uunan wanaagsaneyn, dhowr dhaqtar ayaan tegay markii dambe dhaqtaradii waxay yidhaahdeen ilaahay talo saarta, waxaan ku noqonay gurigii aniga iyo zowjkeyga anaga oo murugeeysan, waxaanu xaaladaa ku sugneyn mudo bil ah waxaanay noola-dhigneyd arintaa sidii sanad dhan.

Habeen habeenada kamid ah ayaa waxan ku riyooday anigoo matagaya, aroornimadii ayan sheekhii cilaajka ayaan teleefan kula hadlay waxaan usheegay riyadii aan ku riyooday wuxuuna ku fasiray riyadii uur inan leeyahay, wuu iweeydiiyay ma uur bad leedahay?


Waxan ku idhi: haa, wuxuu igu yidhi: hadaba qur'aan isku aqri adiga iyo ilmaha uurkaaga ku jira waxaanad badisaa ducada tan kale dadka xanuunsanaya ee muslimiinta ah caafimaad ugu ducee si adigana malaa'igtu kugu duceeyso.

Maalmo ka dib waxaa iqabatay fooshii saacado kadibna waan umulay, Alxamdulilah waxan dhalay wiil caafimad qaba oo laakiin madaxa ku leh calaamad wareegsan oo timahiina ay ka go'een.


Sidii inankeeygii hore nasiib uma helin inan laabta geliyo, sidii kii hore ayaa la iga qaaday maadama an xanuunsanayo, nolosheeydii waxay dib ugu noqotay xaaladii adkeyd ee aan ku noq-noqanayay wadaada iyo dhaqtarada waxaana igu kordhay xanuunkii waxaana igu sii darnaa

dhinaca midigta waxaan tegay dhaqtarkii Raajo[radio] ayaa la isaaray waxaa laga helay barar, qaliin baa la igu sameeyay waxaana la iga mabnuucay jimicsi inan sameeyo iyo uur dambe inan qaado.


Anigoo xaaladeyda caafimaad ay liidato ayaa walaashey Casiisiya waxay ii tilmaantay sheekh cusub oo reer riyaadh ah [caasimada sacuudiga] waxaan usafray sheekhaa waxaanu iisoo qoray malab, cadaro, saliid, iyo geedo, wuxuuna ii bilaabay qur'aan inuu igu akhriyo, inkastoo markii dambe uu qur'aankii iga joojiyay kadib markii caruurtiisu ay xanuunsadeen ee uu ubaqay, markii dambe waxaan go'aansaday inan iska safro waxaanan kusoo noqday magaaladeydii waxaan doonay inan ilaahay talo saarto oo an gurigeeygii weynaa ee fooqa ahaa dib ugu laabto maxaa yeelay waxaa ku cidleeysatay sodohdeey oo waayeel aheyd, maalmo kadib ayaa waxaan bilaabay inan tego xarunta dawo dhaqameedka shiinaha, waxaana la igu mud-muday ilaa kun irbadood,run ahaantii waxkasta oon isleeyahay dawo ayaa ku jirta waan tijaabiyay, haday dhaqtaro tahay, haday dabiib tahay, haday dhaqtar cilmi nafsi tahay, haday dhaqtar dhaaqada iyo tamarta qaabilsan tahay ama dhaqtar dhaqan[shiine].


Midna kamaanan helin wax caafimaad ah oo aan ku nefiso, kuwa isixray Allaha udembi dhaafee waxay iga xaasideen raaxada aduunyada iyo macaanka cuntada iyo sharaabka, waxan dirqi ku tukadaa salaadaha ducada iyo adkaarta ayaa xitaa igu adkaatay, mudo badan kadib ilaahay baa doonay inuu iga farxiyo kadib markii aan mudo badan murugeeysnaa,ilaahay baa doonay inan dadka dhex galo kadib markaan sanado badan aan keli ahaa, ilaahay wuxuu iwaafajiyay sheekh ibnu maqsad al cabdali kaas oo uu ilaahay igu soo dhiibay isagoon wax lacag ah aan iga qaadanin kadib cilaaj badan iyo qur'aan badan oo uu igu akhriyay ayuu ilaahay iga kaxeeyay sixirkii iyo ishii iyo jinkiiba, Alxamdulilah waxan la noolahay sowjkeeyga, waxaanan udhalay awlaad badan, Alxamdulilahi ilaahay baana mahad leh waana caafimaad qabaa ayey ku soo gaba-gabeeysay caaliya iyada oo ka warameeysay qisadeeda.

Dhammaad.

Alla Mahad Leh.

Turjume: Qoraa Ustaad Asad Muuse Kibaar
Email: asadmuuse03@hotmail.com
Telephone: 063-4453653
Boorama - Somaliland.

Readers Comments (0)

Comments are closed.

Wararka xiga

Iiraan oo gaartay lix guul oo horleh weerarkii Yuhuuda

April, 16, 2024
Weerarkii Iiraan ay ku qaaday Yuhuuda ayadoo la ...

Yuhuuda oo qiratay in saldhig milatari iyo gego diyaaradeedba ku daayeen

April, 14, 2024
Weerarki xalay ee Iiraan ku qaaday Yuhuuda oo ...

Maraykanku ma ku dhacaa inuu weeraro Iiraan kadib weerarkii Yuhuuda?

April, 14, 2024
Iiraan ayaa hurdada u diiday Yuhuuda iyo kooxda ...

Wadamada Kuwayd, Qadar oo Maraykanka u diiday

April, 13, 2024
Wadamada Kuwayd iyo Qadar ayaa Maryaykanka u diiday ...

Iiraan oo maskaxiyan u dishay Yuhuuda xilli ayna far

April, 13, 2024
Iiraan ayaa wacad ku martay inay ka aargoosato ...

Dhacdooyinka

Sucuudiga oo safar raali gelina ugu tagay dabadhilifka Yukrayn

February, 26, 2023
Ayadoo madax ka tirsan Sacuudiga ayna weligood booqan ...

Dhulbahante oo ugu dambeyn ku heshiiyay inay is xoreeyaan

December, 31, 2022
Dhulbahante oo caadiyan ka kala adeegta maamul jufeedyada ...

Imaaraadka oo qirtey inay dhaceen maamulka Somalilaan

December, 29, 2022
Itoobiya ayaa iyadu ka baxday saami uu Tigreegii ...

Nin gabdhaha daroogeeya kadibna muuqaal ka duubta oo la qabtey

November, 20, 2022
Muqdisho caasimadii hore ee dalka ayaa noqotey bahalo ...

Ruushka iyo Shiinaha oo noqday saaxiibka keliya ee Somaliya

November, 20, 2022
Kooxda Xalane ayaa markale Somaliya ku giijisay cunaqabataynta ...

Qadar oo koobka adduunka ka faaiidey dad badan oo diinta qaatay

November, 20, 2022
Waxa furmay koobkii kubadda cagta adduunka waxana guuldaro ...

Madaxweynaha FIFA oo reer galbeedka ku tuntey

November, 20, 2022
Ayadoo maanta ay bilaabmayso koobka kubadda cagta aduunka ...