Monday, May 20th, 2024
header










Meta







Rag Dirqi Lagaga Badbaadiyey Imaam Masjid Oo Khudbaddii Jimce Ku Soo Qaatay Khatarta Gaalaysiinta Qof Muslim Ah

Dhacdo laga argagaxay ayaa Jimcihii ka dhacday masjid ku yaala Hargeysa kadib markii ay dhamaatay qudbadii Jimce salaadiina la tukadey oo la arkey masjidkii oo buuq ka taagan yahay.

Laba nin oo u eg argagixiso fikrado la wadaaga argagixisooyinka caalamka Muslimka ayaa weerar ku soo qaaday Imaamka Masjidka oo ku dhiiradey in uu ka hadlo dhacdooyinka maalinlaha ah ee ka dhaca aduunka Muslimka.

Sheekha ayaa ku qaatey qudbadiisa khatarta ay leedahay GAALAYSIINTA qof Muslim iyo dhiiga Muslimka iyo kan bani aadamka ee ay xalaaashadereen argagixisooyinka caalamka Muslimka.

Sheekha oo waajibkiisa diineed gudanayay ayaa fasirey dhibaatada iyo khatarta ka dhalatay in dadka Muslimiinta ah la gaalaysiiyo taasoo sheekhu ku dheeraaday halista ay keentay.

Mid ka mid ah dadkii Masaajidka ku tukanayay Degmada Gacan Libaax ee Caasimadda Hargeysa oo falkan layaabka leh qoraal ka diyaariyey isaga oo jira ayaa yidhi sidan: “Waa Masaajid yar oo xaafadaha ku dhex yaalla waana mid ka mid kuwa dadku ku tukadaan salaadaha Jimcaha.

Waxa khudbadda ka akhriya sheekh wanaagsan oo aqoon fiicanna u leh diinta waxaanuu inta badan ka hadlaa arrimo khuseeya waxyaalaha maanta taagan iyo fahanka khaldan ee qaybo ka mid ah bulshada Muslimiintu ay ka qaateen diinta.

Maanta khudbaddu waxay ku saabsanayd khatarta ay leedahay in qof Mulim ah la gaalaysiiyo ama dad muslimiin ah gaalo lagu sheego oo uu sheekhu sheegay inay caalamka islaamka iyo dadkeenaba maanta ay aad ugu baahday.

Waxa uu carrabaabay waxa ay diintu ka tidhi dadka sidaa yeela isagoo soo qaadanaya Aayado iyo Axaadiis iyo weliba wixii ay culimada Islaamku ka yidhaahdeenba.

Inta badan arrimaha noocaas ah ayuu khudbadaha Jimcaha kaga hadlaa maalmaha qaarna ururo gaar ah ayuu carrabka ku dhuftaa iyo fikirka khaldan ee ay bulshada ku faafinayaan.

Maanta markii khudbaddii dhamaatay ee salaaddii la tukaday ayuun baa lagu war helay masaajidkii oo isla oogsaday iyo buuq iyo sawaxan ka dhacaya mixraabka iyo qaybtii hore ee masaajidka.

Laba nin oo masaajidka ku cusub ayaaba laba dible loo hayaa oo Imaamkii weerar ku ah. Labada nin oo aad isugu ekaa wax ay isu yihiin garan maayo e, xanaaq bay cirka marayaaan oo mid ka mid ahi sidii awr doobinnaya ayaabuu xunbo sii daynayaa.

Waxa ay ka xanaaqsan yihiin mawduuca uu Sheekhu ka hadlay (Oo hadda sida aan kor ku sheegay ku saabsanaa gaalaysiinta qof muslim ah). Ilaa hadda waxa ay ku haystaan cidi may fahmin, odayaashii iyo shicibkii kale ee meesha ku tukanayayba waxay isku dayeen inay xaaladda dejiyaan oo ay u caqli celiyaan laakiin waxay ahaayeen laba nin oo dagaal diyaar u ah cidna aan waxba ka dhegeysanayn.

Dhowr goorna inta ay dadkii ka fakadeen bay feedh iyo haraati kula ordeen Imaamka laakiiin nasiib wanaag dad ka ag dhawaa ayaa mar walba iska hor taagayay oo laba dible inta ay u qabtaan masaajidka debedda uga soo saarayay.

Waxa aan u taagnaa mid ka mid ah oo dhaar ku maraya inaanuu daynayn imaamka oo aanuu ka hadhayn. Su’aal kasta oo la waydiiyo ama hadal kasta oo lagu yidhaahdo kamay jawaabayn manay dhegaysanayn.

Manay ahayn niman aqoon leh oo inay cid la hadlaan doonaya ama waxa ay gocdeen ay si hufnaan iyo is fahan ku jiro uga hadlaan. Qof waliba wuxuu waydiinayay maxaad rabtaan iyo maxaad ka xanaaqsan tihiin laakiin imaamka uun baa u muuqday wax kelese may arkayn.

Waxa jira boqollaal masaajid oo ay ka hadli karaan waxa ay rabaana ka sheegi karaan, waxaana jirtay inay dadka la hadlaan oo waxa ay doonayaan ay ku qanciyaan laakiin intaa midna diyaar umay ahayn.

Adigu waxaan u arkay uun nin cid gaar ahi ay masaajidkaa iyo khudbadihiisa khaatiyaan iska taagtay nimankanina ay qayb ka ahaayeen uun qorshe ahaa in ninkaa Imaamka ah la aamusiiyo oo masaajidka khalkhal iyo cabsi lagu abuuro.

Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS Xigasho dad ku tukadey masjidka

Readers Comments (0)

Comments are closed.

Wararka xiga

Iiraan oo gaartay lix guul oo horleh weerarkii Yuhuuda

April, 16, 2024
Weerarkii Iiraan ay ku qaaday Yuhuuda ayadoo la ...

Yuhuuda oo qiratay in saldhig milatari iyo gego diyaaradeedba ku daayeen

April, 14, 2024
Weerarki xalay ee Iiraan ku qaaday Yuhuuda oo ...

Maraykanku ma ku dhacaa inuu weeraro Iiraan kadib weerarkii Yuhuuda?

April, 14, 2024
Iiraan ayaa hurdada u diiday Yuhuuda iyo kooxda ...

Wadamada Kuwayd, Qadar oo Maraykanka u diiday

April, 13, 2024
Wadamada Kuwayd iyo Qadar ayaa Maryaykanka u diiday ...

Iiraan oo maskaxiyan u dishay Yuhuuda xilli ayna far

April, 13, 2024
Iiraan ayaa wacad ku martay inay ka aargoosato ...

Dhacdooyinka

Sucuudiga oo safar raali gelina ugu tagay dabadhilifka Yukrayn

February, 26, 2023
Ayadoo madax ka tirsan Sacuudiga ayna weligood booqan ...

Dhulbahante oo ugu dambeyn ku heshiiyay inay is xoreeyaan

December, 31, 2022
Dhulbahante oo caadiyan ka kala adeegta maamul jufeedyada ...

Imaaraadka oo qirtey inay dhaceen maamulka Somalilaan

December, 29, 2022
Itoobiya ayaa iyadu ka baxday saami uu Tigreegii ...

Nin gabdhaha daroogeeya kadibna muuqaal ka duubta oo la qabtey

November, 20, 2022
Muqdisho caasimadii hore ee dalka ayaa noqotey bahalo ...

Ruushka iyo Shiinaha oo noqday saaxiibka keliya ee Somaliya

November, 20, 2022
Kooxda Xalane ayaa markale Somaliya ku giijisay cunaqabataynta ...

Qadar oo koobka adduunka ka faaiidey dad badan oo diinta qaatay

November, 20, 2022
Waxa furmay koobkii kubadda cagta adduunka waxana guuldaro ...

Madaxweynaha FIFA oo reer galbeedka ku tuntey

November, 20, 2022
Ayadoo maanta ay bilaabmayso koobka kubadda cagta aduunka ...