Raiisal Wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa booqdey xarunta laanta hawada Somaliya. Wasiir Oomaar ayaa uga warbixiyay Ra’iisul wasaaraha sida howsha ay u wadaan howl-wadeennada iyo maamulka xarunta hawada Soomaaliya, kuwaas oo horumar badan sameeyay tan iyo markii maamulka hawada dalka loosoo wareejiyay Muqdisho.
Ra’iisul wasaare Kheyre ayaa shaqaalaha iyo maamulka kula dardaarmay in ay sii xoojiyaan howsha muhiimka ah ee ay u hayaan dawladda iyo shacabka Soomaaliyeed.
Somaliya ayaa sanadkan la soo wareegtay laanta hawada oo qaramada midoobey ku cunaysay malaayiin doolarka Maraykanka diideyna inay degdeg u soo wareejaan.
C/llaahi Warmooge
ARAABINEWS


Wararkii hore
Reer Awdalow shaqo haku darsanina dagaalada Isaaq kula jiro jaarkiisa
Madaxweynaha Awdalstate oo afka furtay. Waa shaqaale kuwa Hargeysa tagay
Halkan ka daawo adaa arki cida Suuriya u gacan gashay