Saraakiil ciidan ayaa lagu eedeeyay amni xumo ka jirta Wanlaweyn oo qarax ka dhacay. Dawlada Qadar ayaa ka mida dawladaha cambaareeyay qaraxii Wanlaweyn ee xalay.
Masuul la hadley idaacadaha maxaliga ee Muqdisho ayaa sheegay in amni xumada ay aabo ka yihiin saraakiil ciidan oo taageersan argagixisada.
“Magaaladu waxay aheyd mid aad loo ilaaliyo, xerooyin Ciidan ayaa ku yaalla, laakiin beryahan waxaa soo baxday amni daro magaalada ka jirta, kadib markii Saraakiisha Ciidamada Dowladda ay ammaanka degmada ku wareejiyeen Maleeshiyaad hubeysan, waxaan Dowladda ka codsaneynaa in arrintan ay wax ka qabato.” Ayuu yiri Guddoomiye C/fataax Xaaji.
Wuxuu sheegay ammaanka degmada in lagu wareejiyay Saraakiil ka tirsan Ciidanka Dowladda iyo kuwa Koonfur Galbeed, balse iyagiina ay uga tageen Maleeshiyaad hubeysan oo danahooda ka raacday, amni darada dhacaysana ay masuul ka yihiin raggii Ciidanka ahaa ee degmada ku magacawnaa.
C/llaahi Warmooge
ARAABINEWS
Wararkii hore
Reer Awdalow shaqo haku darsanina dagaalada Isaaq kula jiro jaarkiisa
Madaxweynaha Awdalstate oo afka furtay. Waa shaqaale kuwa Hargeysa tagay
Halkan ka daawo adaa arki cida Suuriya u gacan gashay