Waxa maanta gadooday ciidan ka tirsanaa xooga dalka oo ku jirey furnta hore ee aaga Jowhar ayagoo ka cabanaya inaan la siin wax mishahara. Dawlada ayaa sheegtay inay jiraan askar ayna aqoonsanayn oo la sheegay inay hoostagaan maleeshiyo beeleedyo.
Dawlada oo la kulantey ciidankaa gadoodey ayay u sheegtsy inay u baahan yihiin inay is diiwaan geliyaan si ay helaan xuquuqdooda oo toos u qaataan.
Ciidamada maleeshiyo beeleedyadu samaysteen ayaa toos u helin lacag ayna u soo martaa kaabaha u sareeya oo jeebka ku rita sida ka muuqata ciidankan gafooday oo dhamaantood hal jufo ah loona direy isla wasiirada jufadaas. Halka qaarkood qaataan laba mushahar.
“Waxa gadoodka keenay waxa dawladu joojisay inay lacag cadaana ku bixiso mushaharka, ayna askari kasta wixiisa ku siiso bangi ayadoo daah lahayn ayuu yiri Xasan Nuur.
“Ma jireyso in askari laba mishahar qaato halka kuwa la midka ah uu hal kaliya u xaadiro ayuu raaciyay.
“Arintan ayaa dawladu ka dhaxashay kuwii ka horeeyay oo iyagu ku fashilmey inay bjxiyaan mishaharka askarta.
Wasiirka maaliyada Dr Craxmaan Bayle ayaa sheegay inay ciidanku mishahar qaataan. Waxa fashilmey warar laga qorey ciidanka oo ah halka kaliya ee dawladu ka nooshahay.
C/llaahi Warmooge
ARAABINEWS