Muqdisho–Sargaal ka tirsan hay’ada nabadsugida laguna magacaao Farxaan Faarax Maxamed (Farxaan Qoroole)ayaa maanta Muqdisho lagu xiray. Farxaan Faarax Maxamed oo ah Taliye Ku Xigeenka Hay’adda Nabad Suggida ee Hawlgalada Gobolka Banaadir, ayaa laga qabtay albaabka hore ee Dekeda Magaalada Muqdisho xilli uu gaari watay doonaayayna in uu gudaha u galo.
Ciidanka Booliska ee fariisimaha ku leh afaafka hore ee Dekeda oo baaritaan ku sameeyay gaarigii uu watay ayaa waxay qaybta dambe ka helayn dhowr xabo oo qoriga baasukaha ah taasoo shaki dhalisay iyadoona loo baahday in la xiro.
Farxaan Qoroole waxaa lagu xiray Xabsiga Godka Jilicow ee Degmada Boondheere si baaritaano dheeraad ah loogu sameeyo shakiga loo soo xiray.
Ilo muhiim ah ayaa sheegay in ninkaasi looga shaki qabo inuu fududeynayay weerar ay argagixisadu ka geystaan Dekeda Caalamiga ah ee Magaalada Muqdisho.
Dhanka kale waxaa jira warar sheegaya in Taliyaha Hay’adda Nabad Suggida iyo Sirdoonka Qaranka C/raxmaan Maxamed Tuuryare uu xil ka qaadis ku sameeyay Farxaan Qoroole isla-markaana uu ku soo bedelay nin kaloo magaciisa lagu sheegay Cali Jiis oo ay is xigaan Xasan Sheekh.
C/llaahi Warmooge
ARAABINEWS