Monday, May 20th, 2024
header










Meta







Sheekh diidey muxaadaro uu Muqdisho ku qabanayo wadaadka Umul

Wadaadka kooxda Salafiyiinta ee Sh Umal ee xaruntiisu tahay Kiiniya ayaa sheegay inuu muxaadaro ku qabanayo magaalada Muqdisho, ayadoo hadda ay caado noqotey in wadaadada qurbaha kaga nool dalka ay muxaadarooyin jeediyaan.



Haddaba waxa muxaadaradaas si weyn uga soo horjeedsaday Sheekh Cbadiqaadir Sh Abuukar Soomow oo ka mida culimada Suufiyada ee lagu yaqaano amniga.

Sheekh Soomow ayaa ku eedeeyay wadaadka Umul in uu horey u gaaleesiiyay dadka aaminsan dariiqada suufiyada, waxuuna xusay in Sheekh Umal fikirka uu aaminsan yahay dad badan oo reer Muqdisho ah horey ugu dhinteen.



“Umul ma waxa uu bedelay in Suufida ay gaallo yihiin, kama laaban fikirkiisa aaminsan yahay, musiibo ka weyn ma jirto qof caqiidada laga galay, ninka sidaas ku dhiira geliyay fikirka Umul qabriyaal ay khawaarijta ku leysay, kuwo badan ayaa agooman ah”ayuu yidhi Sheekh Soomow.



Shaki Kuma Jiro in fikirka noocaas ee Salafiyiinta Sucuudigu qabaan ee wadaadada Somalidu soo guuriyeen ay ku dhinteen boqolaal Somali ah oo argagixisada Salafiyada ee Shabaab ay xalaalaysteen dhiigooda..

Wadaadkan Umal ayaa la kulmey madaxweynaha Somaliya ayagoo ka qayba gargaarka fatahaada webiga Shabeele.



”Muhiimadu waxay tahay caqiido ka timi Sucuudiga in lagu gaalaysiiyo muslimiin, wadaado Somali ahna soo qaadaan kadibna ay u dhintaan boqolal Somaliya ayuu yiri Cali Calasow marka laga yimaado fikirada urur diimeedyada.



Wadaadkan Umal ayaa ah kii xalaaleeyay Waraabaha xilligii argagixisadu haysatey Kismaayo. ”Ma ogyahay Umal in fikirkiisa gaalaynta ay boqolaal Somali ah ay ugu jiraan qabuuraha ayuu yiri Sheekh Soomow.



Urur diimeedka Salafiyiinta ayaa ah kan ugu maal badan urur diimeedyada ka jira dalalka Muslimka ah. Waxayna haystaan saxaafado waaweyn oo ay ku faafiyaan caqiidooyinka gaalaynta.

Sheekh Umul oo wax laga weydiiyay inuu culimo Somaliyeed gaaleeyay ayuu sheegay inayna waxna ka jirin warkaas oo laga rabo kan sidaa igu sheegay inuu cadeeyo maqal iyo muuqaal.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS



Readers Comments (0)

Comments are closed.

Wararka xiga

Iiraan oo gaartay lix guul oo horleh weerarkii Yuhuuda

April, 16, 2024
Weerarkii Iiraan ay ku qaaday Yuhuuda ayadoo la ...

Yuhuuda oo qiratay in saldhig milatari iyo gego diyaaradeedba ku daayeen

April, 14, 2024
Weerarki xalay ee Iiraan ku qaaday Yuhuuda oo ...

Maraykanku ma ku dhacaa inuu weeraro Iiraan kadib weerarkii Yuhuuda?

April, 14, 2024
Iiraan ayaa hurdada u diiday Yuhuuda iyo kooxda ...

Wadamada Kuwayd, Qadar oo Maraykanka u diiday

April, 13, 2024
Wadamada Kuwayd iyo Qadar ayaa Maryaykanka u diiday ...

Iiraan oo maskaxiyan u dishay Yuhuuda xilli ayna far

April, 13, 2024
Iiraan ayaa wacad ku martay inay ka aargoosato ...

Dhacdooyinka

Sucuudiga oo safar raali gelina ugu tagay dabadhilifka Yukrayn

February, 26, 2023
Ayadoo madax ka tirsan Sacuudiga ayna weligood booqan ...

Dhulbahante oo ugu dambeyn ku heshiiyay inay is xoreeyaan

December, 31, 2022
Dhulbahante oo caadiyan ka kala adeegta maamul jufeedyada ...

Imaaraadka oo qirtey inay dhaceen maamulka Somalilaan

December, 29, 2022
Itoobiya ayaa iyadu ka baxday saami uu Tigreegii ...

Nin gabdhaha daroogeeya kadibna muuqaal ka duubta oo la qabtey

November, 20, 2022
Muqdisho caasimadii hore ee dalka ayaa noqotey bahalo ...

Ruushka iyo Shiinaha oo noqday saaxiibka keliya ee Somaliya

November, 20, 2022
Kooxda Xalane ayaa markale Somaliya ku giijisay cunaqabataynta ...

Qadar oo koobka adduunka ka faaiidey dad badan oo diinta qaatay

November, 20, 2022
Waxa furmay koobkii kubadda cagta adduunka waxana guuldaro ...

Madaxweynaha FIFA oo reer galbeedka ku tuntey

November, 20, 2022
Ayadoo maanta ay bilaabmayso koobka kubadda cagta aduunka ...