Shil khasaare keenay ayaa ka dhacay inta dhaxaysa Jigjiga iyo Dambal tuulo lagu magacaabo Jiri. Tirada dhimashada ayaa lagu sheegay 3 qof halka dhaawacu gaarayo 13 qof. Waxa shilka loo aanaynayaa wadafa oo xun iyo wadaha gaariga oo aan taxadar samayn.
Gaariga ayaa ahaa kuwa xamuulka oo maciishada iyo dadku wada raacaan. Waxana muuqata in maciishadu dadku ku dul dhacdey.
Dadka dhaawaca ayaa la sheegay inay ku jirto haweenay uuurleh. Dhinaca kale waxa isna dhaawac xun loo gaystey dirawalkii gaariga gurmadka ee degmada Araabi C/salaan Xasan oo ku magac dheer Kaarloos.
C/salaan ayaa gaariga gurmadka la rabay in laga dhaco. Ciidanka dawlada ayaa ku baxay oo soo badbaadiyay gaariga halka isaga la geeyay Jigjiga inkastoo xaaladiisa lagu sheegay inuu kooma ku jiro.
Dhacdada ugu naxdinta badneyd ayaa iyana ku dhacdey hooyo biyo u doonatey ceel kadibna ceelkii ku dhacdey. Dadka deegaanka ee hooyadani ka soo jeedo ayaa aad uga murugoodey.
Maxamed Camash
ARAABINEWS