Monday, May 20th, 2024
header










Meta







Sidee gacanta loogu dhigey argagixis wahaabiya oo qarax ku xirnaa degmada Guriceel

Waxay ahayd maanta barqadii markii argagixis ka tirsan kooxda gaalaynta Muslimiinta ee wahaabiyada shabaab uu isku dayay inuu isku qarxiyo xaflad lagu maamuusayay dagaal hore Ahlu sunna uga guulaysatey wahaabiyada oo ka dhacay gobolka sanado hore.

Dagaalkaas oo aad loogu hoobtey ayaa ahlu sunna ka dishey Wahaabiyada kooxda gaalaynta ee Sucuudigu taageero ilaa 150 ka mida, wuxuuna ahaa dagaalkii ugu qaraaraa ee diimeed ee dhexmara labada urur.



Wasiirka Amniga ee maamulka Galmudug Saadaq Sheekh Yuusuf Ibraahim ayaa sheegay in ninkaasi xilliga la qabanayay uu dalbaday in khudbad gabay ah uu ka jeediyo musaasabada hayeeshee Ciidamada ay ka shakiyeen.

Waxa uu sheegay in hadalkaasi kadib mid ka mid ah askarta aadka u feejigan uu baaritaano ku sameeyay, laguna helay waxyaabaha qarxa sidaasina lagu qabtay loogana furfuray qarixii ku xirnaa.



Mar Wasiirka wax laga weydiiyey halka dhiigmiiradka Wahaabiga ka yimi ayuu sheegay in uu ka yimid dhinaca Koonfurta Soomaaliya, balse haatan degmada Guriceel uu kasoo galay dhinaca degmada Ceelbuur oo ah degmo faaruqa oo ay joogaan argagixisada.

Haddii dhiigmiiradkaas dhexgeli lahaa ummada waxa halkaas ka dhalan lahaa khasaare aadu balaadhan. Ahlu sunna waxay ka mid tahay ururada ay gaaleeyeen Wahaabiyada Sucuudigu taageero ee maalgeliyo.



Dadka badankiisa ayaa qaba in hore laga dilo dhiigmiiradka Wahaabiga ah.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS



Readers Comments (0)

Comments are closed.

Wararka xiga

Iiraan oo gaartay lix guul oo horleh weerarkii Yuhuuda

April, 16, 2024
Weerarkii Iiraan ay ku qaaday Yuhuuda ayadoo la ...

Yuhuuda oo qiratay in saldhig milatari iyo gego diyaaradeedba ku daayeen

April, 14, 2024
Weerarki xalay ee Iiraan ku qaaday Yuhuuda oo ...

Maraykanku ma ku dhacaa inuu weeraro Iiraan kadib weerarkii Yuhuuda?

April, 14, 2024
Iiraan ayaa hurdada u diiday Yuhuuda iyo kooxda ...

Wadamada Kuwayd, Qadar oo Maraykanka u diiday

April, 13, 2024
Wadamada Kuwayd iyo Qadar ayaa Maryaykanka u diiday ...

Iiraan oo maskaxiyan u dishay Yuhuuda xilli ayna far

April, 13, 2024
Iiraan ayaa wacad ku martay inay ka aargoosato ...

Dhacdooyinka

Sucuudiga oo safar raali gelina ugu tagay dabadhilifka Yukrayn

February, 26, 2023
Ayadoo madax ka tirsan Sacuudiga ayna weligood booqan ...

Dhulbahante oo ugu dambeyn ku heshiiyay inay is xoreeyaan

December, 31, 2022
Dhulbahante oo caadiyan ka kala adeegta maamul jufeedyada ...

Imaaraadka oo qirtey inay dhaceen maamulka Somalilaan

December, 29, 2022
Itoobiya ayaa iyadu ka baxday saami uu Tigreegii ...

Nin gabdhaha daroogeeya kadibna muuqaal ka duubta oo la qabtey

November, 20, 2022
Muqdisho caasimadii hore ee dalka ayaa noqotey bahalo ...

Ruushka iyo Shiinaha oo noqday saaxiibka keliya ee Somaliya

November, 20, 2022
Kooxda Xalane ayaa markale Somaliya ku giijisay cunaqabataynta ...

Qadar oo koobka adduunka ka faaiidey dad badan oo diinta qaatay

November, 20, 2022
Waxa furmay koobkii kubadda cagta adduunka waxana guuldaro ...

Madaxweynaha FIFA oo reer galbeedka ku tuntey

November, 20, 2022
Ayadoo maanta ay bilaabmayso koobka kubadda cagta aduunka ...