Monday, May 20th, 2024
header










Meta







Muuse Biixi oo ka qayliyay sharciga batroolka ee la ansixiyay

Waxa dhawaan barlamaanka dawlada dhexe ansixisay sharciga batroolka oo muddo hor yaalay aqalka barlamaanka. Dalka ayaa noqdey jaantey furan waxana jiraayay in maamul jufeedkasta iska dhigo dawlad heshiisyo gaar ahna la galaan shirkado aan la aqoon oo xaalufiya kheyraadka dhulka iyo deegaanka.



Haddaba Muuse Biixi oo markasta yiraa wanu go’nay oo dawlad ayaa nahay ayaa maamulkiisu ka qayliyay sharciga batroolka oo dhigaya in cid aan ahayn dawlada dhexe ayna geli Karin heshiis batrool.

Maamulka ayaa shirkado buga oo Ingiriisku leeyahay siiyay heshiiska ay ku baarayaan deegaano ka tirsan gobolka Togdheer inkasto dadka deegaanku diidan in la xaalufiyo waxa yar ee ay haystaan.



”Waan a xunahay sharcigaas waxana loogu talogalay in maamulka Somaliland lagu cunaqabateeyo laakin anagu waxaan leenahay sharci anaga noo gaara ayuu yiri wasiirka Muuse Biixi u qaabilsan macdanta.

Waxa sharcigan iyagna diidan shaqsiyaad horjoogeyaal u ah maamul jufeedyada Puntland, Jubba, iyo Xaaf oo la ogaa guryihii ummada ee uu kirada ka qaadan jirey Muqdisho.



Si kastaba horjoogeyaashan maamul jufeed ee diidan in qaranku dhismo aya ilaa hadda guuldaro la kulmey.

Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS

 

Readers Comments (0)

Comments are closed.

Wararka xiga

Iiraan oo gaartay lix guul oo horleh weerarkii Yuhuuda

April, 16, 2024
Weerarkii Iiraan ay ku qaaday Yuhuuda ayadoo la ...

Yuhuuda oo qiratay in saldhig milatari iyo gego diyaaradeedba ku daayeen

April, 14, 2024
Weerarki xalay ee Iiraan ku qaaday Yuhuuda oo ...

Maraykanku ma ku dhacaa inuu weeraro Iiraan kadib weerarkii Yuhuuda?

April, 14, 2024
Iiraan ayaa hurdada u diiday Yuhuuda iyo kooxda ...

Wadamada Kuwayd, Qadar oo Maraykanka u diiday

April, 13, 2024
Wadamada Kuwayd iyo Qadar ayaa Maryaykanka u diiday ...

Iiraan oo maskaxiyan u dishay Yuhuuda xilli ayna far

April, 13, 2024
Iiraan ayaa wacad ku martay inay ka aargoosato ...

Dhacdooyinka

Sucuudiga oo safar raali gelina ugu tagay dabadhilifka Yukrayn

February, 26, 2023
Ayadoo madax ka tirsan Sacuudiga ayna weligood booqan ...

Dhulbahante oo ugu dambeyn ku heshiiyay inay is xoreeyaan

December, 31, 2022
Dhulbahante oo caadiyan ka kala adeegta maamul jufeedyada ...

Imaaraadka oo qirtey inay dhaceen maamulka Somalilaan

December, 29, 2022
Itoobiya ayaa iyadu ka baxday saami uu Tigreegii ...

Nin gabdhaha daroogeeya kadibna muuqaal ka duubta oo la qabtey

November, 20, 2022
Muqdisho caasimadii hore ee dalka ayaa noqotey bahalo ...

Ruushka iyo Shiinaha oo noqday saaxiibka keliya ee Somaliya

November, 20, 2022
Kooxda Xalane ayaa markale Somaliya ku giijisay cunaqabataynta ...

Qadar oo koobka adduunka ka faaiidey dad badan oo diinta qaatay

November, 20, 2022
Waxa furmay koobkii kubadda cagta adduunka waxana guuldaro ...

Madaxweynaha FIFA oo reer galbeedka ku tuntey

November, 20, 2022
Ayadoo maanta ay bilaabmayso koobka kubadda cagta aduunka ...