Wararka ka soo baxaya agagaarka isbitaalka xooga ee xaafada Hodan ee magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in ilaalada wasiirka difaaca Odawaa Yusuf Raage ay qarxiyeen gaari ay saarnaayeen argagixiso isa soo miidaamisay.
Sida wararku sheegayaan dhiigmiiratada shabaab ayaa gaari ay ka soo buuxiyeen walxaha qarxa isku dayay inay ku weeraraan wasiirka difaaca oo marayay isbitaalka xooga laakiin intaanu meel u dhow soo gaarinba ay toogteen ilaalada wasiirka difaaca oo heegana.
”Kadib waxa qarxay gaarigii argagixisada rabtey inay ku weeraraan kolonyada wasiirka difaaca ayuu yiri goobjooge u waramay saxaafada.
Inta la xaqiijiyay qaraxaasi fashilmey ayaa waxaa ku dhintay nafti haligihii waday gaariga oo meydkiisa gubtey uu yaalo goobta. Waxase ku shahiidey haweenay goobta socotey oo argagixisada aan u tirsanayn markay xasuuqa fuliyaan.
Dhiigmiiratada shabaab ayaa ku qureecda kuna qadeeya dhiiga muslimiinta Somalida ah ee ay gaaleeyeen.
C/llaahi Warmooge
ARAABINEWS