Boorama 15 Jan 2015–Madaxweynaha maamulka Somaliland Axmed Siilaayo ayaa ku sugan gobolka Awdal halkaas oo maanta xoolo loogu qalay deegaanka Baki oo ay ku yaalaan buuraha Shiinuhu ka guranayo macdanta suntana kaga tagayo.
Socdaalka Silaanyo ayaan wax faaiido u soo kordhinayn dadka deegaanka oo hore uga bartay inuu dhagaxaan u dhigdhigo wadooyinka iyo kiishash lacaga oo uu siiyo odayada gaaraya 160 ee uu biilo.
Booqashadan ayuu ku muujinayaa in ay wali jiraan dad uu biilo oo daacad u ah maamulkiisa isla markaana muddo yar awood siinaysa inay yiraahaan Adal waa Somaliland.
Laakiin xaqiiqdu taas way ka fogtahay aduunkuna ma indha la dadka badankiisuna waxay ka mid yihiin maamulka kacdoonka ee ay hogaamiyaan madax uu ugu horeeyo suldaan Wabar oo shalay weeraray xarun ay degan yihiin ciidan ka amar qaata Siilaanyo.
Lama filayo in uu Siilaanyo hordhigo waxa uu damacsan yahay sida uu u xaliyo tabashada salaadiinta oo hadda noqotey mid ku kooban salaadiinta qaar siiba inta mishaharka ka qaadata.
Silaanyo ayaa xaalad caafimaad awgeed aanan goyn Karin go,aano waxana go,aanada inta badan gooya Xirsi Toriile iyo xaaska Siilaanyo iyo inyar kale oo ku hareeraysan wuxuuna ku socdaa taladooda.
Maxamed Yuusuf
ARAABINEWS