Muqdisho 15 Jan 2015–Gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho ayaa ugu baaqay dadka iska leh guryaha Muqdisho ee burbursan in ay dib u dhistaan ama dayactirtaan guryahooda si maqaamkii Muqdisho dib u soo laabato. Xamar waxaan rabnaa in Xamarteedii hore ku soo noqoto caasimadna u noqoto Somaliweyn oo dhan.
Muqdisho ayaa caasimad u ahayd Somalida oo dhan inta ayna jabhadihii indha la,aa oo taageero ka helaya reer galbeedka iyo wadamada jaarka ayna burburin qarankii dhisnaa.
Muungaagb ayaa sheegay in haddii aanan la dhisan oo aan lagu soo noqon Muqdisho ayna magaaladu dhismayn iyaguna haysan sharci ay wax uga qabtaan guryaha shacabku leeyahay.
Somalidii deganayd Muqdisho ayaan wax rajo ka haynMuqdiso maadama ay samaysteen nolol cusub ninkastana dib ugu noqdey magaalooyinka ay ku badan yihiin jufooyinkiisa. Waxana dadka dib u dhigaya arimo badan oo ayy ugu horeyso is aaminkii maadaama dadkooda lagu hor dilay guryahoodana hortooda lagu bililiqaystay.
C/llaahi Warmooge
ARAABINEWS