Monday, May 20th, 2024
header










Meta







Sixiroole la sheegay in uu sarifle ka dhacay lixdan kun oo doolar magaalada Hargeysa iyo sida diinteenu qabto

Nin Sarifle ah ayaa sheegay in uu dhacan yahay sida uu sheegayna lasga dhacay lacag gaaraysa lixdan kun oo doolar. Lacagta Hargeysa taala ee sarifleyaasha ayaa u badan lacag buga oo la samaysto laguna bedesho lacagta adag ee doolarka waxase la iswaydiinayaa lacagta intaa leeg sida loo dhacay.

Nin lagu magacaabo Ismaaciil Ibraahim Nuur (Khuuriye) oo ka mid ah Sariflayaasha waaweyn ee Suuqa badhtamaha Hargeysa ayaa sheegtay in dhibku ku dhacday.

Ninka dhaca geystay ayaa goob-joogayaal iyo Sariflayaal ay jaar yihiin ninka la dhacay ay sheegeen inuu Saddex Maalmood ka hor lacag boqol Doollar ah ka Sariftay  lacagta laga dhacay, ka dibna uu lacagtii Kaashka ahayd ee loo Sarifay u dhiibtay Ismaaciil Khuuriye, hasa-yeeshee markii uu ku soo noqday uu qaatay bacdii ay ku jirtay Lacagta $ 60,000 Kun ee Doollar ahi.

Hase-yeeshee Ismaaciil Khuuriye oo aan dhaadin in lacagi ka maqan tahay uu iska rawaxay maaddaama uu wakhtigu ku dhawaa Gabal-dhac, sida ay goob-joogayaashu sheegeen.

 Balse waxa la tilmaamay in Ismaaciil markii uu ku dhawaa gurigiisa uu sidii isagoo oo hurda ka soo toosay soo hambabaray, isla markaana dib ugu soo noqday halkii uu meheraddiisa Sarifku ahayd, inkasta oo aan lagu guuleysan in la helo qofkii geystay dhaca intaas leeg.

Ciidammada Booliska ee magaalada Hargeysa oo Saddexdii maalmood ee u dambeeyay waday baadhitaan arintan la xidhiidha, ayaan illaa hadda iyaguna ku guuleysan inay soo qabtaan ama gacanta ku dhigaan ninkaas Sixirka ku qaatay ama ku dhacay lacagta lixdanka (60,000) Kun ee Doollarka Maraykanka ah.

Dhanka kale, Falkan Sixirka ah ee lagu dhacay ninkaas waxa Khudbaddii Jimcaha ee daraad ku soo hadal qaaday Imaamka Masaajidka Cali Mataan ee magaalada Hargeysa Sheekh Maxamed Aadan Muxumed.

Sheekhu waxa uu ka digay khatarta Sixiroolayaashu u leeyihiin Dadka, isagoo ku taliyey in Xukuumadda oo adeegsanaysa Ciidammada Ammaanku wax ka qabato Sixiroolayaasha Bulshada dhibaatayna. Sheekh Maxamed Aadan, waxa uu sheegay in Diinta Islaamku baneynayso in la dilo qofka Sixirka ku shaqeysta.

Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS

Readers Comments (0)

Comments are closed.

Wararka xiga

Iiraan oo gaartay lix guul oo horleh weerarkii Yuhuuda

April, 16, 2024
Weerarkii Iiraan ay ku qaaday Yuhuuda ayadoo la ...

Yuhuuda oo qiratay in saldhig milatari iyo gego diyaaradeedba ku daayeen

April, 14, 2024
Weerarki xalay ee Iiraan ku qaaday Yuhuuda oo ...

Maraykanku ma ku dhacaa inuu weeraro Iiraan kadib weerarkii Yuhuuda?

April, 14, 2024
Iiraan ayaa hurdada u diiday Yuhuuda iyo kooxda ...

Wadamada Kuwayd, Qadar oo Maraykanka u diiday

April, 13, 2024
Wadamada Kuwayd iyo Qadar ayaa Maryaykanka u diiday ...

Iiraan oo maskaxiyan u dishay Yuhuuda xilli ayna far

April, 13, 2024
Iiraan ayaa wacad ku martay inay ka aargoosato ...

Dhacdooyinka

Sucuudiga oo safar raali gelina ugu tagay dabadhilifka Yukrayn

February, 26, 2023
Ayadoo madax ka tirsan Sacuudiga ayna weligood booqan ...

Dhulbahante oo ugu dambeyn ku heshiiyay inay is xoreeyaan

December, 31, 2022
Dhulbahante oo caadiyan ka kala adeegta maamul jufeedyada ...

Imaaraadka oo qirtey inay dhaceen maamulka Somalilaan

December, 29, 2022
Itoobiya ayaa iyadu ka baxday saami uu Tigreegii ...

Nin gabdhaha daroogeeya kadibna muuqaal ka duubta oo la qabtey

November, 20, 2022
Muqdisho caasimadii hore ee dalka ayaa noqotey bahalo ...

Ruushka iyo Shiinaha oo noqday saaxiibka keliya ee Somaliya

November, 20, 2022
Kooxda Xalane ayaa markale Somaliya ku giijisay cunaqabataynta ...

Qadar oo koobka adduunka ka faaiidey dad badan oo diinta qaatay

November, 20, 2022
Waxa furmay koobkii kubadda cagta adduunka waxana guuldaro ...

Madaxweynaha FIFA oo reer galbeedka ku tuntey

November, 20, 2022
Ayadoo maanta ay bilaabmayso koobka kubadda cagta aduunka ...