November 18, 2025

ARAABINEWS.COM

News and entertainment

CALI FAARAX

Siyaasi Xasan Culusow uga digey gobolada Woqooyi iyo khatar kale

Siyaasiga reer cadaaga ee reer Awdal ee Cali Faarax Cabdullahi ayaa Xasan Culusow uga digey inuu si khaldan ku galo siyaasada gobolada Woqooyi isagoo la shirayo koox gaara sida kooxda Hargeysa. Gobolada woqooyi Hargeysa iyo Burco oo keliya maaha iyo inta degta ayuu yidhi Cali Faarax ama la wada shir ama faraha ka qaad.



Wuxuu kaloo ka digey Maraykanka oo raba inuu saldhig ka dhigto Berbera looga duulo dalalka Shiinaha iyo Ruushka taas oo halis ku ah amniga gobolada Woqooyi iyo guud ahaan Somaliya. Maraykanka ayaa dalbaday xog ku sabsan Berbera in loo soo gudbiyo sanadka dambe si uu askartiisa u keensado.






ARAABINEWS