Monday, May 20th, 2024
header










Meta







Socdaalkii madaxweyne Farmaajo ee Sucuudiga iyo wixii ka soo baxay: FAALO

Madaxweynaha Somaliya Farmaajo ayaa booqashadiisii koowaad ku tagey Sucuudiga halkaas oo markii uu soo noqdey uu ka waramay waxyaabaha ay isla soo qaadeen madaxda Sucuudiga.

Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in codsi uu Sucuudiga u gudbiyay ay ka mid ahayd madaar cusub oo Muqdisho loo sameeyo maadaama kii hore yaryahay muddo horena la dhisay.



Xoolaha Somaliya oo cunaqabataynta laga qaado, wadooyinka isku xidha dalka oo dib loo dhiso oo loo qaatey kuwii hore u dhisnaa in boodhka laga jafo iyo miisaaniyada dawlada oo la kabo.

Markaan isku celceliyay xisaabta waxaan filayaa in Sucuudigu intaas in ka badan uu bixin karo iyadoo uu dagaal ku jiro una baahan yahay xulufo joogta ah oo isku halayn karo.



Madaxweyne Farmaajo ma sheegin waxa Sucuudigu dalbadeen caawintaas kadib iyadoo dadka badankiisu ka filayaan in ay codsadaan in madaarka iyo dekedda Berbera loo fudeydiyo, Somaliyana dhinaca ciidanka ka caawiso maadaama dagaal u gooniya uu kula jiro Yaman.

Wax lacaga lama sheegin waxaadse ku qiyaasi kartaa lacag aan ka yarayn dhowr boqol oo milyan oo doolar oo runtii Somaliya u qalmin kuna tahay dawarsi.



Haday dhab ka tahay  Sucuudiga wuxuu kabi karaa dhaqaalaha Somaliya muddo hal sano ah haddii si fiican loo maamulo. Waxase looga fadhiyaa madaxweyne Farmaajo in uu sii faahfaahiyo lacagta loo sheegay intey tahay iyo in ay jirto iskaashi ku aadan dagaalka Sucuudigu ku jiro.

Mashaariicdaas waxay abuurayaan shaqooyin aan sidaa u badnayn oo gaaraya ilaa 1000 qof maadaama hal mashruuc kaliya uu yahay mid kow laga soo bilaabayo.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS

Readers Comments (0)

Comments are closed.

Wararka xiga

Iiraan oo gaartay lix guul oo horleh weerarkii Yuhuuda

April, 16, 2024
Weerarkii Iiraan ay ku qaaday Yuhuuda ayadoo la ...

Yuhuuda oo qiratay in saldhig milatari iyo gego diyaaradeedba ku daayeen

April, 14, 2024
Weerarki xalay ee Iiraan ku qaaday Yuhuuda oo ...

Maraykanku ma ku dhacaa inuu weeraro Iiraan kadib weerarkii Yuhuuda?

April, 14, 2024
Iiraan ayaa hurdada u diiday Yuhuuda iyo kooxda ...

Wadamada Kuwayd, Qadar oo Maraykanka u diiday

April, 13, 2024
Wadamada Kuwayd iyo Qadar ayaa Maryaykanka u diiday ...

Iiraan oo maskaxiyan u dishay Yuhuuda xilli ayna far

April, 13, 2024
Iiraan ayaa wacad ku martay inay ka aargoosato ...

Dhacdooyinka

Sucuudiga oo safar raali gelina ugu tagay dabadhilifka Yukrayn

February, 26, 2023
Ayadoo madax ka tirsan Sacuudiga ayna weligood booqan ...

Dhulbahante oo ugu dambeyn ku heshiiyay inay is xoreeyaan

December, 31, 2022
Dhulbahante oo caadiyan ka kala adeegta maamul jufeedyada ...

Imaaraadka oo qirtey inay dhaceen maamulka Somalilaan

December, 29, 2022
Itoobiya ayaa iyadu ka baxday saami uu Tigreegii ...

Nin gabdhaha daroogeeya kadibna muuqaal ka duubta oo la qabtey

November, 20, 2022
Muqdisho caasimadii hore ee dalka ayaa noqotey bahalo ...

Ruushka iyo Shiinaha oo noqday saaxiibka keliya ee Somaliya

November, 20, 2022
Kooxda Xalane ayaa markale Somaliya ku giijisay cunaqabataynta ...

Qadar oo koobka adduunka ka faaiidey dad badan oo diinta qaatay

November, 20, 2022
Waxa furmay koobkii kubadda cagta adduunka waxana guuldaro ...

Madaxweynaha FIFA oo reer galbeedka ku tuntey

November, 20, 2022
Ayadoo maanta ay bilaabmayso koobka kubadda cagta aduunka ...