Saturday, April 20th, 2024
header










Meta







Soomaali laga soo celiyay Liibiya oo dalka soo gaaray iyo gobolada ay ka tahriibeen

Tiro Somali ah ayaa maanta dalka dib ugu soo noqdey kuwaas oo laga soo celiyay dalka burburey ee Liibiya halkaas oo hadda hogaamiye Khaliif Xaftar uu rabo inuu la wareego amniga dalkoo dhan.



Dhalinyarada oo gaaraya lix (6) waxay isugu jireen shan wiil iyo hal gabar ayaa ka tahriibay markii hore gobolka Banaadir, Woqooyi Galbeed, Gobolka Nugaal, iyo Woqooyi Bari Kiiniya (NFD). Dhalintan ayaa Dhawr sano ku xirnaa Xabsiyo ku yaala dalka Liibiya halkaasoo ay ku haysteen Magafeyaal ah.



Waxaana maanta Nasiib ay u yeesheen inay dib dalkooda ugu soo laabtaan kadib markii ay arintaas Dadaal wayn u gashay Dawlada Soomaaliya gaar ahaan danjire Maryam Yaasiin oo ah Ergeyga gaarka ah ee Xuquuqda Carruurta iyo Tahriibayaasha ee Xafiiska Ra’iisalwasaaraha.

Markii ay soo gaareen Magaalada Muqdisho waxaa si heer sare ah usoo dhaweeyey Masuuliyiin ka socotay Xafiiska Ergeyga gaarka ah ee xuquuqda Carruurta iyo tahriibayaasha ee Xafiiska Ra’iisal wasaaraha, Madaxda Hay’adda Qaxootiga Qaranka iyo barakacayaasha iyo Wakiilo matalayey hay’adda Socdaalka Aduunka.



Maaha markii ugu horeysay oo dhalinyaro naftooda haligey lagu soo celiyo dalka, kuwaas oo waalidiintood ku kalifay inay ka seexan waayeen kuna ridey cuduro badan.

C/llahi Warmooge

ARAABINEWS

Readers Comments (0)

Comments are closed.

Wararka xiga

Iiraan oo gaartay lix guul oo horleh weerarkii Yuhuuda

April, 16, 2024
Weerarkii Iiraan ay ku qaaday Yuhuuda ayadoo la ...

Yuhuuda oo qiratay in saldhig milatari iyo gego diyaaradeedba ku daayeen

April, 14, 2024
Weerarki xalay ee Iiraan ku qaaday Yuhuuda oo ...

Maraykanku ma ku dhacaa inuu weeraro Iiraan kadib weerarkii Yuhuuda?

April, 14, 2024
Iiraan ayaa hurdada u diiday Yuhuuda iyo kooxda ...

Wadamada Kuwayd, Qadar oo Maraykanka u diiday

April, 13, 2024
Wadamada Kuwayd iyo Qadar ayaa Maryaykanka u diiday ...

Iiraan oo maskaxiyan u dishay Yuhuuda xilli ayna far

April, 13, 2024
Iiraan ayaa wacad ku martay inay ka aargoosato ...

Dhacdooyinka

Sucuudiga oo safar raali gelina ugu tagay dabadhilifka Yukrayn

February, 26, 2023
Ayadoo madax ka tirsan Sacuudiga ayna weligood booqan ...

Dhulbahante oo ugu dambeyn ku heshiiyay inay is xoreeyaan

December, 31, 2022
Dhulbahante oo caadiyan ka kala adeegta maamul jufeedyada ...

Imaaraadka oo qirtey inay dhaceen maamulka Somalilaan

December, 29, 2022
Itoobiya ayaa iyadu ka baxday saami uu Tigreegii ...

Nin gabdhaha daroogeeya kadibna muuqaal ka duubta oo la qabtey

November, 20, 2022
Muqdisho caasimadii hore ee dalka ayaa noqotey bahalo ...

Ruushka iyo Shiinaha oo noqday saaxiibka keliya ee Somaliya

November, 20, 2022
Kooxda Xalane ayaa markale Somaliya ku giijisay cunaqabataynta ...

Qadar oo koobka adduunka ka faaiidey dad badan oo diinta qaatay

November, 20, 2022
Waxa furmay koobkii kubadda cagta adduunka waxana guuldaro ...

Madaxweynaha FIFA oo reer galbeedka ku tuntey

November, 20, 2022
Ayadoo maanta ay bilaabmayso koobka kubadda cagta aduunka ...