Monday, May 20th, 2024
header










Meta







Taariikh nololeedkii Xuseen Ceelaabe Faahiye oo ku shahiidey isqarxintii argagixisada

Waxa manta is-qarxinttii dhiigmiiratada kooxda gaalaynta Muslimiinta ku shahiidey Xuseen Ceelaabe Faahiye oo ahaa xildhibaan soona qabtey jagooyin ad u farabadan ilaa xilligii dawladii sharafta lahayd ee qaranka Somaliyeed. Xuseen ayaa shahiidey markii faliidh ka mida qaraxaas uu ku dhacay inkastoo lala tacaalay haddana uu dhiig baxay.



Tan iyo xiliggii dawladdii qaranka Somaliyeed ee Allaha u naxariistee uu hogaaminaayay Siyaad Barre waxaa uu ku caan ahaa wasaaradda qorsheynta, wasiir ayuu marar badan ka noqday iyo sidoo kale la-taliye.

Burburkii kadib waxaa uu madax ka ahaa guddiga loo saaray arrimaha dastuurka, xilligaas waxaa dalka joogay ciidamo ka socday Qaramada midoobey.



Shirkii Carte ee dib u heshiisiinta iyo dhismihii maamulkii Cabdiqaasim Salaad Xasan waxaa uu xukuumaddii Xasan Abshir ka noqday wasiirka iskaashiga caalamiga ah.

Shirkii Mbagathi ee Kiiniya kadib waxaa uu ahaa xildhibaan, waxaa kale uu wasiirka agoonta iyo naafada ka soo noqday xukuumaddii Cali Geedi, isla xukuumaddii Geedi markii ay dib u soo noqotay waxaa uu mar kale ka noqday wasiirka qorsheynta.



Xukuumaddii ra’isul wasaare Nuur Cadde waxaa uu ka ahaa wasiirka dalxiiska, warshadaha iyo ganacsiga.

Ugu dambeyntii waxaa uu 2009-kii xukuumaddii ra’isul wasaare Cumar Cabdirashiid ka noqday wasiirka dib u dhiska kadibna
2017-kii waxaa uu u tartamay kursiga aqalka sare laakiin waa looga adkaadey.

Xusen Ceelaabe ayaa ahaa ruug cadaa siyaasada ku soo jirey muddo ka badan 40 sanno. Wuxuuna soo noqdey wasiirkii arimaha dibedda.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS



Readers Comments (0)

Comments are closed.

Wararka xiga

Iiraan oo gaartay lix guul oo horleh weerarkii Yuhuuda

April, 16, 2024
Weerarkii Iiraan ay ku qaaday Yuhuuda ayadoo la ...

Yuhuuda oo qiratay in saldhig milatari iyo gego diyaaradeedba ku daayeen

April, 14, 2024
Weerarki xalay ee Iiraan ku qaaday Yuhuuda oo ...

Maraykanku ma ku dhacaa inuu weeraro Iiraan kadib weerarkii Yuhuuda?

April, 14, 2024
Iiraan ayaa hurdada u diiday Yuhuuda iyo kooxda ...

Wadamada Kuwayd, Qadar oo Maraykanka u diiday

April, 13, 2024
Wadamada Kuwayd iyo Qadar ayaa Maryaykanka u diiday ...

Iiraan oo maskaxiyan u dishay Yuhuuda xilli ayna far

April, 13, 2024
Iiraan ayaa wacad ku martay inay ka aargoosato ...

Dhacdooyinka

Sucuudiga oo safar raali gelina ugu tagay dabadhilifka Yukrayn

February, 26, 2023
Ayadoo madax ka tirsan Sacuudiga ayna weligood booqan ...

Dhulbahante oo ugu dambeyn ku heshiiyay inay is xoreeyaan

December, 31, 2022
Dhulbahante oo caadiyan ka kala adeegta maamul jufeedyada ...

Imaaraadka oo qirtey inay dhaceen maamulka Somalilaan

December, 29, 2022
Itoobiya ayaa iyadu ka baxday saami uu Tigreegii ...

Nin gabdhaha daroogeeya kadibna muuqaal ka duubta oo la qabtey

November, 20, 2022
Muqdisho caasimadii hore ee dalka ayaa noqotey bahalo ...

Ruushka iyo Shiinaha oo noqday saaxiibka keliya ee Somaliya

November, 20, 2022
Kooxda Xalane ayaa markale Somaliya ku giijisay cunaqabataynta ...

Qadar oo koobka adduunka ka faaiidey dad badan oo diinta qaatay

November, 20, 2022
Waxa furmay koobkii kubadda cagta adduunka waxana guuldaro ...

Madaxweynaha FIFA oo reer galbeedka ku tuntey

November, 20, 2022
Ayadoo maanta ay bilaabmayso koobka kubadda cagta aduunka ...