Sunday, March 16th, 2025
header










Meta







Taariikhda hooyo Somaliyeed oo dibedda seexan jirtey Ingiriiska

Waxa usbuucan magaalada London ee Ingiriiska ku geeriyootay hooyo Somaliyeed oo lagu magacaabi jirey Xaawo Cabdi oo seexan jirtey dariiqa qaasatan ka soo horjeedka maktabad u dhow masaajid. Hooyadan ayaa halkan timi markii laga soo saaray gurigii ay deganaayeen oo ay bixin kari wayday kirada.



Waxa dhowr mar loo qaaday isbitaalka kadib markii ay dhaxani ku dhifatey. Waxay diidey in la geeyo guri kale iyada iyo wiilkeeda, waxayna ka doorbideen inay seexdaan dariiqa. Qoyskeeda ayaa si kasta uga codsaday inay guri ka gasho dhaxamaha aadka u xun ee ka dhaca dalka wayse diiday dhmaantood.



”Marnaba ma bixin sababta ay ku diidey in dib loo meeleeyo ayay tiri Caasha Cabdi. Dawlada hoose ee xaafada ay ka deganayd dariiqa ayaa dhowr jeer ka tuurey kuraasta wadooyinka lagu fadhiisto oo ay ku fadhiisan jirtey.

Xaawa Cabdi iyo wiilkeeda Muxyadiin oo diidey inuu ka tago hooyadii ayaa dadka xaafadu aad u yaqaaneen. ”Hooyadan ayaa marka dadka Somalidu la hadlaan diidi jirtey kuna oran jirtey dantiina raaca. Waxay rabtey inay lagu celiyo gurigii uu ninkeedu ku dhintey laakiin dawlada hoose ma samayn karto waayo gurigaa dadkii lahaa ayaa la wareegay.



Xaawa Cabdi ayaa ugu dambeyn loola cararay isbitaalka oo aad ugu dhawaa markii uu naqasku ku dhegay, waxyar kadibna waxa la sheegay inay geeriyootay. ”Waxa ku dhacay hargabka Karoonaha laakiin kaasi maaha waxa ay u dhimatey Xaawa ayuu yiri qof u hadlay isbitaalka.




Afhayeen u hadlay dawlada hoose ee xaafada ay deganayd ayaa iyagu sheegay inay wax kasta isku dayeen sidii loo guri gayn lahaa hooyadan iyo wiilkeeda oo ay ku jirto in lagu celiyo gurigeedii hore ee ay la deganayd ninkeeda.




Geerida kadib ayaa waxa la sheegay in wiilkeedii la deganaa dariiqa uu ku soo noqday isla halkii uu hooyadii la deganaa.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS



Readers Comments (0)




Wararka xiga

Reer Awdalow shaqo haku darsanina dagaalada Isaaq kula jiro jaarkiisa

December, 30, 2024
Madaxweynaha Awdalstate Dr C/samad Nageeye ayaa fariin u ...

Madaxweynaha Awdalstate oo afka furtay. Waa shaqaale kuwa Hargeysa tagay

December, 15, 2024
Madaxweynah Awdalstate Dr C/samad Nageeye ayaa afka furtay ...

Halkan ka daawo adaa arki cida Suuriya u gacan gashay

December, 14, 2024
Waxaad aad uga naxaysaa ninka is dhiibay ee ...

Qisada Cumar binu Khadaab iyo haweenay oynaysa oo ninkeedu ka maqnaa

August, 16, 2024
Qisada amiir Cumar binu khadaab iyo haweenayda ooyaysa. ...

Qisada xanuunka badan ee Umu Salamah (xaaskii rasuulkeena (SCW)

August, 16, 2024
Umu Salamah waxay markii dambe ka mid noqotey ...

Dhacdooyinka

Sucuudiga oo safar raali gelina ugu tagay dabadhilifka Yukrayn

February, 26, 2023
Ayadoo madax ka tirsan Sacuudiga ayna weligood booqan ...

Dhulbahante oo ugu dambeyn ku heshiiyay inay is xoreeyaan

December, 31, 2022
Dhulbahante oo caadiyan ka kala adeegta maamul jufeedyada ...

Imaaraadka oo qirtey inay dhaceen maamulka Somalilaan

December, 29, 2022
Itoobiya ayaa iyadu ka baxday saami uu Tigreegii ...

Nin gabdhaha daroogeeya kadibna muuqaal ka duubta oo la qabtey

November, 20, 2022
Muqdisho caasimadii hore ee dalka ayaa noqotey bahalo ...

Ruushka iyo Shiinaha oo noqday saaxiibka keliya ee Somaliya

November, 20, 2022
Kooxda Xalane ayaa markale Somaliya ku giijisay cunaqabataynta ...

Qadar oo koobka adduunka ka faaiidey dad badan oo diinta qaatay

November, 20, 2022
Waxa furmay koobkii kubadda cagta adduunka waxana guuldaro ...

Madaxweynaha FIFA oo reer galbeedka ku tuntey

November, 20, 2022
Ayadoo maanta ay bilaabmayso koobka kubadda cagta aduunka ...