Dhawaan ayay ahayd markii maxbuus Xasan Cali Kurtun ayadoo la wada arkayno ayna duubayaan qoyskiisa si toosa loogala baxay isbitaal lagu daawaynayo. Maxbuuska ayaa lagu sheegay in isbitaalka uu jiifay waxba looga qaban Kari waayay sida asluubtu sheegtay.
Maxbuuska ayaa geeriyooday 24 saac kadib markii ciidanka asluubta Kala baxeen jeelka, kuna geeriyooday xabsiga.
Haddaba taliyaha xabsiga dhexe ee magaalada Muqdisho Jeneraal Maxamed sh Cumar Xirsiile oo Ka Hadley sida wax u dhaceen ayaa sheegay in maxbuuska dhintey Ku xukunaa 8 sanno Isla markaana si qaldan looga saaray isbitaalka xabsiga.
“Isla markii xabsiga laga saaray ee loo qaaday isbitaal gaar loo leeyahay ayaan ka daba tagey oo aan ka soo celiyay ayuu yiri.
Ehelada maxbuuska ayaa codsi u direy madaxda qaranka sheegayna in aan la aasi doonin ilaa abaalkiisa la mariyo jeneraalka Ka masuulka ah xabsiga.
Dhacdana maxbuuska ayaa dad badan oo arkey sidey u dhacdey aad uga xumaadey.
Sawirka hoose taliyaha la haysto
C/llaahi Warmooge
ARAABINEWS