Waxa soo hagaagaya xiriirka u dhexeeya dawladaha Masar iyo Turkiga oo xiriirkoodu xumaaday markii milatariga dalkaasi oo dabada ay wadaan shacab gadoodsan ay xukunka ka tuureen madaxweynihii ururka akhwaanka Maxamed Mursi oo doorasho xalaala ku yimi.
Turkiga oo u janjeedhsan ururka akhwaanka ayaa wacad ku maray inay u aargudaan madaxweynihii dalkaasi Mursi oo markii dambe u dhintey xanuun dhinaca wadnaha ah oo inta badan la sheegayo inuu jeelka ka soo gaaray.
Turkiga ayaa intaa wixii ka dambeeyay bilaabay kacdoono dhinaca saxaafada ah oo uu xukunka uga tuurayo madaxweyne C/casiis Siisi oo ay taageersan yihiin Yuhuuda iyo wahaabiyada Sacuudiga oo malaayiin doolar ku daldasha.
Turkiga ayaa cadaadis xoogleh kala kulmey Masar oo ku hanjabtey inay weerari doonto ciidanka akhwaanka ee uu taageero ee Liibiya haddii ay soo dhaafaan magaalada Seerta.
Ugu dambeyn Turkiga oo ay la soo gudboonaatey isbedelka Maraykanka wuxuu bilaabay inuu la heshiiyo Masar. Talaabadii ugu horeysay ee uu qaado ayaa noqotey inuu albaabada u laabo idaacado ka furnaa Turkiga oo faafin jirey in dadka Masar ay kacaan.
Rashiid Ceelaanyo
ARAABINEWS