Monday, April 19th, 2021
header










Meta







Yay si toosa ugu socotey hadalkii wasiirka warfaafinta ee farogelinta shisheeyaha

Dawlada Somaliya ayaa shalay si toosa uga hadashay farogelinta kooxda sheegata beesha caalamka ay ku hayso siyaasada arimaha gudaha ee Somaliya xilli ay ku haystan laba horjooge xerada XALANE ayagoo ku gorgortama.



Ayadoo kooxdan sheegata beesha caalamka ay hadda soo kala baxayaan ayagoo awal isticmaali jirey magaca guud ee sheegashada beesha caalamka ayaa usbuucyadii u dambeeyay waxa jirey qoraalo munaafaqad cad ah oo ku jeeda dalka iyo doorashadiisa.

Waxa ugu badnaa kuwa ka soo baxaya labada masuul ee Maraykanka u fadhiya taandhooyinka xerada XALANE ayagoo si caadiya u xaqiraya dawlada Somaliya iyo dastuurka iyagu gacantooda ku qoreen ee dhoodhoobka ah.



Iyagu waxay rabaan inay doorashada gacanta ku dhigaan madaxweynahana sidaa booska uga tuuraan, lana soo baxaan sharci iyagu leeyihiin taasina ma dhacayso.

Haddaba waxa ugu sii daran qoraaladaas mid ka soo baxay Noorway oo iyadu wadatey Xasan Cali Kheyre kana cadhaysan dacwada badda, toosna ula jirta Kiiniya jecelna in xukunka laga tuuro Farmaajo.



”Waxay qoreen inay rabaan inuu xukunka si dhaqsa ah u wareejo, waxana si toosa uga jawaabtey wasaarada arimaha dibedda Somaliya oo canbaaraysay hadalkaa lagu qorey barta baraha bulshada ee safaarada Noorway. Waxayna keentay in Noorway dib isku saxdo, wixi hadda ka dambeeyana ay u fiirsato waxay qoreyso.



Si kastaba ha ahaatee marnaba ma dhacayso in dawladu XALANE ugu tagto gaalada halkaa lagu qabto shirka doorashada. Dagaalka doorashada ee ajaanibta ayaa ku qotoma inaanu dalku degin iyo in kheyraadka dalka ay helaan inta ugu badan.

C/llaahi Warhaye

ARAABINEWS



Readers Comments (0)





Warning: Use of undefined constant end - assumed 'end' (this will throw an Error in a future version of PHP) in /home/s8724/public_html/wp-content/themes/codkadalka_theme1/functions.php on line 1037
Wararka xiga

Kiiniya oo ku qarxisay Muuse Biixi: Waxba kuuma hayno ilaa Farmaajo dhacayo

April, 18, 2021
Waxa dhaaftey mudadii Kiiniya qabsatey inay qunsuliyad kaga ...

Madaxweyne Farmaajo oo kulan la qaatey kooxda beesha caalamka ugana digey farogelin

April, 18, 2021
Madaxweynaha Somaliya ayaa kulan la qaatey kooxda beesha ...

Naa adi halkan maxaa ku keenay dadbaa iska lehe: Qayb kale XUJO

April, 16, 2021
Waa qayb kale oo xiise leh taanaha XUJO ...

Ciidanka xooga oo Afrikaanka kala wareegay qayb ka mida amniga

April, 16, 2021
Ciidabka xooga dalka ayaa qayb ahaan kala wareegay ...

Madaxweyne Farmaajo oo sharaxay sida kolba ajaanibtu u fashilin jireen doorashada dad-ban

April, 16, 2021
Madaxweyne Farmaajo ayaa markii ugu horeysay ka hadlay ...


Warning: Use of undefined constant end - assumed 'end' (this will throw an Error in a future version of PHP) in /home/s8724/public_html/wp-content/themes/codkadalka_theme1/functions.php on line 1037
Dhacdooyinka

Dawlada Somaliya oo jawaab degdega siisay kooxda beesha caalamka

April, 14, 2021
Dawlada Somaliya ayaa jawaab degdega siisay kooxda beesha ...

Dhiigmiiratada shabaab oo isku qarxisay maqaaxi iyo dhalinyaro ay xasuuqeen

April, 3, 2021
Booliiska magaalada Muqdisho ayaa ka waramay khasaaraha ka ...

Raiisal wasaaraha oo sharaxay waxa fashiliyay kulan uu la qaatay musharixiinta Hawiye

March, 5, 2021
Waxa xalay aroor hore burburey kulan u dhexeeyay ...

Barlamaanka Maraykanka oo cabsi awgeed codsaday in askartu sii joogaan

March, 4, 2021
Xarunta barlamaanka Maraykanka oo ay sanadkan horaantiisa la ...

Dawlada oo lagu dhaliilay inayna gargaar ku filan geynin gobolka Gedo

March, 3, 2021
Waxa gobolka Gedo deegaano hoostaga ka taagan abaaro ...

Maxkamad mag ku xukuntey nin la nool caabuqa aydhis oo kufsi gaystey

March, 3, 2021
Xeer ilaaliyaha maamulka Butlaan oo la hadlay warbaahinta ...

Kooxda sheegata beesha caalamka oo markii shanaad diidey shirka beri

March, 3, 2021
Kooxda sheegata beesha caalamka ayaa markii shanaad diidey ...