Afhayeen u hadley madaxtooyada Turkiga ayaa sheegay in Turkigu sii adkeynayo difaaca dalkiisa soona badin doono gantaalaha lidka diyaaradaha ee ugu casrisan aduunka ee loo soo gaabiyo S-400.
Turkiga ayaa hore uga iibsaday Ruushka gantaalahaas oo ah isku geyn sadex gantaalood oo lagu ilaaliyo caasimada iyo goobaha muhiimka ah.
Afhayeenka madaxtooyada Turkiga oo ay soo xigatey warfaafinta dalkaasi Ruushka ayaa sheegay in iibsigaasi cusub uu dhamaadey ee keliya ay hadhan tahay xaalxaalka dhinaca waraaqaha iyo adkeynta heshiiska iibsiga.
Warkan Turkiga ka soo baxay ayaa waxa aad uga naxay Maraykanka iyo Yuhuuda oo aad uga walaacsan siyaasada madaxweynaha Turkiga oo u sii durkeysa dhinaca Ruushka.
”Turkigu wuxuu xaq u leeyahay inuu adkeeyo difaaca dalkiisa kamana yeelayno cid kale inay noogu hanjabto sidaas ma yeeli kartaan ayuu raaciyay afhayeenka.
Waxa la sugaa in la sheego inta ku baxaysa gantaalahan kale ayadoo kuwii hore ay ku baxdey lacag dhan 2 bilyan oo doolar iyo weliba tirada ay noqon doonaan.
Rashiid Ceelaanyo
ARAABINEWS