Friday, March 29th, 2024
header










Meta







Turkiga oo malaayiin doolar ka sameeyay Somaliya

Kadib booqashadii madaxweynaha Turkiga magaalada Muqdisho sanadkii 2011 xilligaas oo dalku abaaro la daalo dhacsanaa ayna ka jirtay maamul xumo iyo gaajo tii ugu xumayd weliba Koofurta dalka, waxa Turkiga u furmay waddo ay ka faaiideen.



”Mudadaas kahor maba jirin wax xiriira oo toosa oo u dhexeeya Somalida iyo Turkiga aan k ahayn taariikhdaa fog ee gumaysigu masaxay ee u dhaxaysay dawladii Cusmaaniyiinta ee dunida Muslimka ka talin jirtey ayuu yiri Xuseen Warsame.

Turkigu wuxuu markiiba bilaabay inuu qaado arday Somali ah oo uu soo baro luqadiisa waana kuwii kuwa hadda aad u faafinaya luqada Turkiga sida kuwa ka yimaada wadamada gaalada ay u faafiyaan luqada Ingiriiska iyo luqadaha kale.



Laakiin Turkigu maaha dal dhaqaale baahsan leh ama laga heli karo fursado shaqo sida wadamada gaalada ee Somalidu u qaxday oo ilaa hadda ma jiro qof Somali ah oo Turkiga ka xamaasha oo guri ka dhistay.

Haddaba yaa faaiidada ugu weyn qaba dabcan shaki la’aan waa Turkiga ayuu qabaa Cali Calasow. Hadda Somalidii wax ka iibsan jirtey Shiinaha ayagoo maraya Imaaraadka waxay u soo gudbeen Turkiga, halkaas oo ay ka gataan qalabada ku shaqeeya korontada, cuntada, fadhiyada guryaha iyo laabo farabadan.



Marka laga yimaado inuu Somalida baro luqadiisa xitaa askarta ka soo baxdo xeradiisa tababarka, wuxuu dhinaca kale ku miisaamaa inuu qayb weyn ka gaysto sidii dalku lugihiisa isku taagi lahaa taas oo aad loogu amaanayo, ayna ka xun yihiin cadowga Somalida sida gaalada Xalane joogta ee ay ugu horayso Ingiriiska iyo Maraykanka.

Haddaba isku miisaan la’aanta dhaqaalaha iyo manfaca dal hodana ayaa qaladka weyn iska leh. Waxaan shaki ku jirin in Somalidu leedahay waayo Turkiga uma maalaan sidii la rabay, waxana hadda uu ku dhiiranayaa inuu Somalida qaarkood ku bahdilo dalkiisa.




Waxase lagu ilaawi karaa taageerada laysku halayn karo ee uu ka gaysanayo dhaqaalaha guud ahaan. Waase muhiim in dalka luqadiisa la xoojiyo oo Turkiga la baro luqada Somaliga.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS



Readers Comments (0)




Wararka xiga

Heshiiska badda ee Soomaaaliya iyo Turkiga yaa ka naxay ma Axmaarka mise??? XASAASI

February, 24, 2024
Turkiga iyo Soomaaliya ayaa qalinka ku duugay heshiis ...

Caruurtii uu hooyadood ku hor gubay oo afka furtay: Qaracan runtii

February, 21, 2024
Maxkamad samirsiin u ah qoyska la baxsaday gacan ...

Qisada Cumar binu Khadaab iyo haweenay oynaysa

February, 20, 2024
Qisada amiir Cumar binu khadaab iyo haweenayda ooyaysa. ...

Dawlada Somaliya oo si toosa u sheegtay aqoonsiga Awdalstate

February, 13, 2024
Dawlada Somaliya oo si cad u sheegtay inay ...

Madaxweynaha Awdalstate Dr Nageeye oo Muqdisho lagu soo dhaweeyay

February, 8, 2024
Madaxweynaha Awdalstate Dr Cabdisamad Nageeye ayaa si diiran ...

Dhacdooyinka

Sucuudiga oo safar raali gelina ugu tagay dabadhilifka Yukrayn

February, 26, 2023
Ayadoo madax ka tirsan Sacuudiga ayna weligood booqan ...

Dhulbahante oo ugu dambeyn ku heshiiyay inay is xoreeyaan

December, 31, 2022
Dhulbahante oo caadiyan ka kala adeegta maamul jufeedyada ...

Imaaraadka oo qirtey inay dhaceen maamulka Somalilaan

December, 29, 2022
Itoobiya ayaa iyadu ka baxday saami uu Tigreegii ...

Nin gabdhaha daroogeeya kadibna muuqaal ka duubta oo la qabtey

November, 20, 2022
Muqdisho caasimadii hore ee dalka ayaa noqotey bahalo ...

Ruushka iyo Shiinaha oo noqday saaxiibka keliya ee Somaliya

November, 20, 2022
Kooxda Xalane ayaa markale Somaliya ku giijisay cunaqabataynta ...

Qadar oo koobka adduunka ka faaiidey dad badan oo diinta qaatay

November, 20, 2022
Waxa furmay koobkii kubadda cagta adduunka waxana guuldaro ...

Madaxweynaha FIFA oo reer galbeedka ku tuntey

November, 20, 2022
Ayadoo maanta ay bilaabmayso koobka kubadda cagta aduunka ...