Thursday, April 25th, 2024
header










Meta







Turkigu lama dagaalami karo Masar ee maxaa xala

Inkastoo Erduqaan jeclaa lahaa inuu booska ka tuuro madaxweynaha Masar oo uu u arko inuu afgambiyay saaxiibkii Maxamed Mursi iyo ururkiisa akhwaan Muslimiin, Erduqaan ma helayo taageero aan Qadar ka ahayn, waana ku jabayaa dagaalka Liibiya ayuu qabaa Cali Calasow.



Turkiga ayaa ciidan ahaan iyo dhaqaale ku filanba dagaalami kara in muddo ah laakiin taageerada uu ka haysto aduunka intiisa kale ayaa gabaabsi ah markaad iska dhaafto wadamada jaarkiisa ah ee mid sida Siiriya uu diidey inuu ka baxo, joojiyana taageerada uu siiyo ururkiisa akhwaan Muslimiin.

Turkiga oo taageero siiyay maamulka caasimada Liibiya ku eg wuxuu rabaa inuu qabsado Liibiya oo dhan taas oo ka dhigin in urur diimeedka akhwaan ay xad la yeeshaan Masar.



Taas ma dhacayso waanu ku jabayaa waayo Turkigu xad lama laha Liibiya mana haysto taageerada dawladaha waaweyn sida Maraykanka iyo Ruushka inkastoo uu ka mid yahay xulafada Naato haddana Taram niyad uma hayo inuu taageero u fidiyo Erduqaan iyo duulaankiisa Liibiya ayuu yiri Cali Calasow.

Madaxweynaha Masar marnaba ogolaan maayo in akhwaan muslimiin uu jaar la noqdo, wuxuuna haystaa taageerada dadka Liibiya oo hore codbixin u diidey urur diimeedkaas.

Dhaqaalaha dagaalka Erduqaan

Qadar ma bixin karto dhaqaalaha ku baxaya dagaal muddo sii socda, waana ta keentay in Erduqaan ilaa hadda ka aamuso inuu jawaab siiyo Masar. Wuxuuse Liibiya ku soo daldalayaa hub.



Haddii ciidanka Masar soo galaan Liibiya ma jirto wax ka horjoogsan kara inay soo socdaan ilaa caasimada. Masar waxa ku daba jira marka laga yimaado Carabta sida Sucuudiga iyo Imaaraadka wadamada Ruushka iyo Faransiiska oo ilaa hadda cudud gelin Liibiya.

”Dagaalka Liibiya waa dagaal dhaqaale oo Erduqaan ku taageerayo urur diimeedkiisa jooga caasimada isna bedelkeeda la siiyay kheyraadka badda u dhaxaysa Liibiya iyo Turkiga iyo wadamada badda la wadaaga ee Giriiga, Masar.



Erduqaan oo Yuhuuda saaxiib la ah markay timaad dagaalka uu ka wado Suuriya ayaa dhinacan kale waxay ka soo horjeedaa kheyraadka Liibiya siisay waana halka Taram ka taageerayn Erduqaan. Wuxuu caan ku yahay Erduqaan in marna Taram ku cararo marna Buutin laakiin hadda midna ma haysto taageeradooda.



Isku soo duub xalku wuxuu ku jiraa in Erduqaan faraha ka qaado Liibiya iyo dhiiga Muslimiinta ee daadinayo ama la fariisto Khaliifa Xaftar si xal waara looga gaaro dawladnimada dalka Liibiya oo u baahan nin adag oo amarka soo celiya.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS



Readers Comments (0)




Wararka xiga

Iiraan oo gaartay lix guul oo horleh weerarkii Yuhuuda

April, 16, 2024
Weerarkii Iiraan ay ku qaaday Yuhuuda ayadoo la ...

Yuhuuda oo qiratay in saldhig milatari iyo gego diyaaradeedba ku daayeen

April, 14, 2024
Weerarki xalay ee Iiraan ku qaaday Yuhuuda oo ...

Maraykanku ma ku dhacaa inuu weeraro Iiraan kadib weerarkii Yuhuuda?

April, 14, 2024
Iiraan ayaa hurdada u diiday Yuhuuda iyo kooxda ...

Wadamada Kuwayd, Qadar oo Maraykanka u diiday

April, 13, 2024
Wadamada Kuwayd iyo Qadar ayaa Maryaykanka u diiday ...

Iiraan oo maskaxiyan u dishay Yuhuuda xilli ayna far

April, 13, 2024
Iiraan ayaa wacad ku martay inay ka aargoosato ...

Dhacdooyinka

Sucuudiga oo safar raali gelina ugu tagay dabadhilifka Yukrayn

February, 26, 2023
Ayadoo madax ka tirsan Sacuudiga ayna weligood booqan ...

Dhulbahante oo ugu dambeyn ku heshiiyay inay is xoreeyaan

December, 31, 2022
Dhulbahante oo caadiyan ka kala adeegta maamul jufeedyada ...

Imaaraadka oo qirtey inay dhaceen maamulka Somalilaan

December, 29, 2022
Itoobiya ayaa iyadu ka baxday saami uu Tigreegii ...

Nin gabdhaha daroogeeya kadibna muuqaal ka duubta oo la qabtey

November, 20, 2022
Muqdisho caasimadii hore ee dalka ayaa noqotey bahalo ...

Ruushka iyo Shiinaha oo noqday saaxiibka keliya ee Somaliya

November, 20, 2022
Kooxda Xalane ayaa markale Somaliya ku giijisay cunaqabataynta ...

Qadar oo koobka adduunka ka faaiidey dad badan oo diinta qaatay

November, 20, 2022
Waxa furmay koobkii kubadda cagta adduunka waxana guuldaro ...

Madaxweynaha FIFA oo reer galbeedka ku tuntey

November, 20, 2022
Ayadoo maanta ay bilaabmayso koobka kubadda cagta aduunka ...