Ugaaska beelaha Mareexaan ayaa Kismaayo tagey isagoo ka digaya doorashada uu walaaqayo Axmed Madoobe. “Waxaanu Maqlaynaa Saddex Qof baa la dooranayaa, oo Qof lagala baxayaa, Arintaasi maaha wax masuuliyad Noqon kara, oo dhaqan noqon kara maaha.
Anagu Waxaanu u Nimid inaanu dhisno Jubbaland, oo Nabad iyo wanaag aan ku dhisno, oo Xildhibaan iyo Codkiisa aanu ku dhisno “ Ayuu yidhi Ugaas Maxamed Ugaas Xaashi.
“Ujeedkayagu waa is raac iyo midnimo, Jubbaland waa Soomaali wada dagtay, waa in la is Xaq-dhowro, Hadii aanu gayno Saddex Qof, oo mid lagala baxo, Anagu miyaanu dooranay Midkaasi.
Doorashada maamulka Jubba ayaa muran xoogweyni ka taagan yahay ayadoo Axmed Madoobe diidey kaalintii wasaarada arimaha gudaha ku yeelan lahayd si loo helo doorasho xalaala.
Ciidanka Kiiniya ee ku sdugan Kismaayo ayaa raba in Axmed Madobe sii fadhiyo Meesha haddii kale waxa dhici karta in loo sheego inay hulaalaan. Kiiniya ayaa ka hesha Kismaayo dhaqaale xoogan.
C/llaahi Warmooge
ARAABINEWS