November 18, 2025

ARAABINEWS.COM

News and entertainment

Ururka xiriirka kubada cagta ee Afrika oo ganaaxay wadanka Igwatooriyad Gini oo anshax xumo la yimi

images[7]Qaahira-Araabinews–Ururka kubada cagta ee Afrika ayaa ganaax lacageed iyo mid kale dulsaaray wadanka Igwatooriyad Gini kaas oo xalay taageerayaashas xulkood isku dayeen in ay guushu iyaga raacdo kadib markii ay dhagxaan iyo qoryo ku tureen xulka Gaana oo garaacay xulkooda.

Ururka kubada cagta ayaa ganaaxay 100,000 oo kun oo doolar iyo waliba in ay bilaa taageereyaal ku ciyaaraan ciyaarta soo socota ee sabtida ee xulkooda la ciyaari doono xulka jamhuuriyada Congo.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS