Thursday, March 28th, 2024
header










Meta







Wadamada ugu badan ee ay aado lacagteena iyo shay aad ka naxayso oo lagu bixiyo

Somaliya intii dawladnimada u jirtey waxa lagu xasuustaa in dhaqaalaheedu aad u kordhayay ayadoo haddana lacagteeda ugu badan gelisay sidii ay cadowgii Axmaarka iyo Tigreega isaga difaaci lahayd.

Sanadihii 70-naadkii ilaa horaantii 80-naadkii waxa lagu xasuustaa horumar aad u balaadhan oo laga sameeyay dhinacyo badan oo ah kaabaha dhaqaalaha. ”Waxay dawladii kacaanku odhan jirtey Somaliya muddo 10 sano ah isku filaansho ayay gaaraysaa ayuu yiri Cali Calasow.



”Waxa dalka ka furnaa ilaa 30-meeyo warshadood oo noocyo badan inkastoo aan laga faaiideysan badda waayo Somalidu sideedaba ma cunto kaluunka wayna yaraayeen dadka badmaalka ah ayuu raaciyay.

Haddaba intii dawladii kacaanka ahayd dalka u dhiibtey jabhadihii qaawanaa, waxaad is weydiisaa halkay aadaa lacagta ugu badan ee dalkeena ka baxda, ayadoo aan ognahay in lacag ka badan 2 bilyan oo doolar ay soo diraan qurbajoogta dalka ka cararay.



Warbixinta hoosta ku qoran ayaad ka naxaysaa shayga ugu badan ee dalku ku bixiyo lacagtiisa iyo weliba alaabada iyo maciishadaha dalku dibeda ka kaansado iyo dalka ugu badan ee lacagteenu aado.

Tubaakada la duubo sida sigaarka waxa sanadkii inooga baxda 442 milyan oo doolar, waxa ku xigta sonkorta qalalan 263 milyan oo doolar, waxa ku xigta bariiska oo ay inooga baxdo 185 milyan oo doolar, qalabka warbaahinta ama is-gaarsiinta 109 milyan oo doolar, dharka noocyadiisa 96 milyan oo doolar.



Waxa intaas dheer qalabka dhismaha, cuntooyinkakale, mishiinada kale duwan.

Haddaba waxa naxdina in tubaakada ama sigaarka uu yahay meesha ugu badan ee lacagteenu ku baxdo, waana warbixin aad u yaable. Waxaad is weydiin kartaa halkeen lacagtaa u dirnaa.

Imaaraadka waxaan u dirnaa sanadkii 1.1 bilyan oo doolarka Maraykanka ah, wuxuuna inoogu bedelay inuu maamul jufeedyada hoosta ka wato, mijo xaabiyana dawlada, Shiinaha oo ah dawlad aan lagu aqoon farogelin ayaa iyana ay naga aadaa lacag dhan 732 milyan oo doolar, Halka Hindiya ay inaga aado lacag dhan 615 milyan oo doolar ha u badnaado gaadhi Hindigooda foosha xun ee bajaajta oo hawadii inaga qaribtee.



Turkiga ayaa hadda soo raaca oo isna ku dhow 300 oo milyan oo doolar halka Kiiniya oo ka xun dawladnimadeena aan gacanta u gelino lacag 116 milyan sanadkii.

Waxa halkaa kaaga soo baxay in lacag dhan 6 bilyan oo doolar ay dalka dibediisa inooga baxdo oo shaqo abuur fiican aan u samayno wadamo ka xun dawladnimadeena iyo inaan cagaheena ku istaagno. Taas bedelkeedna shaqadii dibeda inooga baxdo faqiirnimaduna sii korodho.



Waxaa naxdinleh inaan haba yaraatee dalka la keenin wax faaiido u leh oo shaqo abuuraya. Halka inaguna aan dhoofino Muuska, xoolihii aan ka faaiideysan lahayn, hargaha, kaluunka oo aan badnayn, dhuxusha iyo birihii qasaaca ahaa ee wax laynoogu keenay.

C/llaahi Warhaye

ARAABINEWS



Readers Comments (0)




Wararka xiga

Heshiiska badda ee Soomaaaliya iyo Turkiga yaa ka naxay ma Axmaarka mise??? XASAASI

February, 24, 2024
Turkiga iyo Soomaaliya ayaa qalinka ku duugay heshiis ...

Caruurtii uu hooyadood ku hor gubay oo afka furtay: Qaracan runtii

February, 21, 2024
Maxkamad samirsiin u ah qoyska la baxsaday gacan ...

Qisada Cumar binu Khadaab iyo haweenay oynaysa

February, 20, 2024
Qisada amiir Cumar binu khadaab iyo haweenayda ooyaysa. ...

Dawlada Somaliya oo si toosa u sheegtay aqoonsiga Awdalstate

February, 13, 2024
Dawlada Somaliya oo si cad u sheegtay inay ...

Madaxweynaha Awdalstate Dr Nageeye oo Muqdisho lagu soo dhaweeyay

February, 8, 2024
Madaxweynaha Awdalstate Dr Cabdisamad Nageeye ayaa si diiran ...

Dhacdooyinka

Sucuudiga oo safar raali gelina ugu tagay dabadhilifka Yukrayn

February, 26, 2023
Ayadoo madax ka tirsan Sacuudiga ayna weligood booqan ...

Dhulbahante oo ugu dambeyn ku heshiiyay inay is xoreeyaan

December, 31, 2022
Dhulbahante oo caadiyan ka kala adeegta maamul jufeedyada ...

Imaaraadka oo qirtey inay dhaceen maamulka Somalilaan

December, 29, 2022
Itoobiya ayaa iyadu ka baxday saami uu Tigreegii ...

Nin gabdhaha daroogeeya kadibna muuqaal ka duubta oo la qabtey

November, 20, 2022
Muqdisho caasimadii hore ee dalka ayaa noqotey bahalo ...

Ruushka iyo Shiinaha oo noqday saaxiibka keliya ee Somaliya

November, 20, 2022
Kooxda Xalane ayaa markale Somaliya ku giijisay cunaqabataynta ...

Qadar oo koobka adduunka ka faaiidey dad badan oo diinta qaatay

November, 20, 2022
Waxa furmay koobkii kubadda cagta adduunka waxana guuldaro ...

Madaxweynaha FIFA oo reer galbeedka ku tuntey

November, 20, 2022
Ayadoo maanta ay bilaabmayso koobka kubadda cagta aduunka ...