X

Wasiiro reer Woqooyi ah oo Xasan Sheekh ku daray la kulanka wakiilada Siilaanyo ee beri ka dhacaya Turkiga+WARBIXIN

Istanbul–Gooni goosadka ayaa gartey dantooda ogolaadayna in wadahadalada u dhexeeya iyaga iyo wakiilada Xasan Sheekh ay ka qayb galaan masuuliyiin reer Woqooyi ah oo ku jira dawlada federaalka. Inkastoo Xasan Sheekh inadeerkii wakiishay oo isagu hogaamin doono hadana waxay muujinaysaa in gooni goosadku ay ku jiraan halkii ugu dambeysay.

Kulamada ayaa la sheegayaa in Turkigu qol u diyaariyay laysku sawiro waxase dad badan is waydiinayaa sida kooxahani u matali karaan shacabka reer Woqooyiga. Wasiirada reer Woqooyiga ah waxa ka mida wasiirka warfaafinta iy gaadiidka oo kala ah Isaaq iyo Dhulbahante.

Wasiirka arimaha gudaha ee Xasan Sheekh u wakiishay ayaa ah nin da,yar oo dhalinyara sida sawirka kore aad ku arkaysaan waxaana meeshaas aan jirin khibrad la,aan waxana ugu dambeyn la soo saari doonaa warqad u eg kuwii hore loo soo saari jiray.

Isku soo duub SNM waxay ku faraxsan tahay sumcada ay ka helayso saxaafada taageerada u ah ee Ingiriiska iyagoo soo qori doona wadahadalada u dhexeya magacyada bugta ah ee ”Somaliya iyo Somaliland” ee Sheekh Shariif fadhiid hore u meelmariyay.

Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.