11/12/2025

ARAABINEWS.COM

War la hubo iyo Madadaalo

Wakiilka Siilaanyo u matalaya wadahadalka Xasan Sheekh oo diiday ka qaybgalka wasiirada reer Woqooyiga

WP_20150227_005Istanbul–Maxamed Biixi oo Siilaanyo wakiil uga ah wadahadalka Xasan Sheekh shirka Turkigu qolka siiyay ayaa sheegay in uu diidan yahay ka qaybgalka wasiirada reer Woqooyiga ah kulankooda maanta la filayo in uu dhaco ee ay la yeelanayaan kuwa Xasan Sheekh.

Diidmadan ayaa Ku noqonaysa dhabarjan weyn kooxda gooni goosadka ee Ku doodaysa in dhul Ingiriis xoog Ku joogey in uu iyaga u wakiishay.

Haddii ay sidaas uga soo baxaan waxay noqonaysaa in Ingiriisku ka dhaadhiciyo Xasan Sheekh in uu ka saaro wasiirada reer  Woqooyiga ah.

Maxamed Biixi ayaa isaga laftiisu sheegay Mar wax  laga waydiiyay wafdiga ka imanaya Muqdisho in reer Woqooyi Ku jiraan ayuu sheegay in iyagu  la shirayaan dawlada Xamar wufuudana dooran.

Kaadhka Xasan Sheekh  ciyaaray ayaa ah kan saxda ah ee in muddo ah ay Ku doodayeen dadka reer Woqooyiga ah ee diidan gooni goosadka.

Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS