X

Waqooyiga Kuuriya oo tijaabisay gantaal Maraykanka ka sii nixiyay

Dalkaasi difaaciisu aadka u adag yahay ee Waqooyiga Kuuriya ayaa tijaabiyay gantaal aanu mahadin Maraykanku oo ku dhacay meel aan fogeyn badda u dhow Jabaanka. Gantaalka ayaa ka rido dheer kuwii dalku hore u haystay.



”Gantaalkan ayaa la isku raacay inuu si toosa u duqanayo meel kasta oo ka mida Maraykanka, waana ta walaaca saaidka ku reebtay Maraykanka.



Gantaalkan ayaa ridadiisu gaaraysaa ilaa 8000 kun oo mayl taas oo u dhiganta inuu dhaafayo Maraykanka koone ilaa koone. Waqooyiga Kuuriya ayaa si xun uga cabaadisay Maraykanka.

Hogaamiyaha dadaalka badan ee dalkaasi ayaa sheegay in dalkiisu dhisay quwad aan lagu safaadin karin oo waxba la’aan ka dhigtey tan Maraykanka, ayana weliba sii wadi doonaan horumarinta adkeynta difaaca dalkiisa.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.