Gooni goosadka Somaliland ayaa iyagu jecel in arintooda caam ka dhigaan waxayna samaysteen ama loo sameeyay lataliyayaal caalamka ah oo taageera gooni goosadkooda halka kuwa ka socda dawlada Somaliya ay soo caraabaan maalinta shirka uu dhacayo. Kulamadii ugu dambeeyay oo dhan waxay arimuhu u socdeen sida gooni goosadku rabeen qodobadana iyagaa hogaaaminayay.
Waxase xaajadu ku xumaatay markii nin iyaga ka mida oo ah wasiirka warfaafinta dawlada Somaliya mudane Maxamed Maareeye Xayir lagu soo daray wadahadalka uu markii horeba Ingiriisku dabada ka waday isaguna iclaamiyay. Cadho awgeed ayay ka dareereen shirkii markii ay arkeen Maxamed Maareeye Xayir waxana lagu taliyay in ay dalbadaan in shisheeye soo farageliyo.
Inkastoo uu si fiican uga jawaabay Wasiiru Dowlaha Arimaha Dibadda ee Dowladda Somaliya Khaalid Cali hadalkii ka soo yeeray in shisheeye soo farogeliyo, hadana waxaa dhinaca kale si aan fiicneyn u hadlay Wasiirka Arimaha Dibadda Cabdisalaan Hadliye kaas oo soo dhaweeyey dalabkii ka yimid Maamulka Siilaanyo ee ahaa in Shisheeye dhexdhexaadiyo labada dhinac.
Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif ayaa markii horeba qaldanaa in ay afka u furaan gooni goosad ay meelwalba ka so xirantey. Waxayse hogooda ugu dhaceen markii ay afka u fureen halkaana uu ka soo baxay magac aan hore u jirin oo la yiraa Somaliya iyo Somaliland.
Dadka reer Woqooyioga ayaa buur dheer iyo buur gaaban u fuulay in ay magacaa joojiyaan waxase dhuunta qabtey Xasan Culusow. Hadaba maxaa hadda la gudboon dawlada Somaliya oo Xasan fadhiid hogaamiyo…waxay ila tahay in qodobadan bal uu fiiriyo inta aanu yeelin cadaadis kaga yimaada saaxiibada gooni goosadka.
1-Waa in faraha laga qaado oo aan afdambe loo furin inta dawlada Somaliya xoogeysanayso haddii loo furana aan la ogolaan in shisheeye dambe loo tago shirar ee caasimada dalka lagu wada hadlo.
2- Waa in Somalida si siman loogu furo wadahadal iyadoo cid gaara tixgelin la siinin marka dawladu xoogeysato.
3-Waa in dawlada Somaliya ay mardambe hor fadhiisan kuwo sheeganaya magaca Somaliland oo wadahadalku noqdo mid u dhexeeya dawlada iyo dadkeeda.
4- In la ciqaabo Saraakiisha iyo Madaxda Dowladda ee iska hadla ee aan khibrada lahayn Islamarkaana isticmaasha erayada Soomaaliya iyo Soomaaliland kuwaas oo runtii jahawareer badan ku riday Shacabka Soomaaliyeed.
Maxamed Yuusuf
ARAABINEWS