Paris–Wararkii ugu dambeeyay ee ka soo baxaya sanduuqa codka iyo isgaadhsiinta diyaarada oo lagu dhegeystay Paris ayaa sheegaya in duuliyeyaraha uu albaabka ka xidhay kabtanka waxana la maqlayaa kabtanka oo albaabka garaacaya iyo shanqadh la,aan ka jirta goobta.
Sanduuqa codka iyo isgaadhsiinta diyaarada ayaa waxa kale oo laga dhegeystay rakaabka diyaarada oo qaylinaya waxana la cadeeyay in duuliyeyaraha uu noolaa jugtii ugu dambeysay.
Duuliyeyaraha oo lagu magacaabo Andreas Lubitz, waa 28 jir lagumana sheegin in uu argagixiso xiriir la leeyahay wuxuuna diyaarada dhinaca laga wado ku ahaa kaligii kadib markii sida muuqata uu kabtanku galay musqusha, waxa kale oo la maqlayaa kursi soo riixmaya iyo albaab xidhmaya.
Duuliyeyaraha ayaa taabtey intaa kadib qaybta daadejinta ee diyaarada taas oo lagu tilmaamey in ay tahay ukas kaliya. Waxa isla markaana laga maqlay kaydka codka iyo isgaadhsiinta kabtanka oo garaacaya albaabka.
Xiriir lala sameeyay diyaarada ayaan laga helin wax jawaaba waxana muuqata in duuliyewaynaha uu la joogey rakaanka albaabkana garaacayay.
Dawlada Jarmalka ayaa sii dayn doonta warbixin ku saabsan duuliyeyaraha iyo taariikhdiisa oo kooban lamase garankaro waxa uu diyaarada u burburiyay.
Rashiid Ceelaanyo
ARAABINEWS