Baydhabo–Wararkii ugu dambeeyay ee ka imanaya Baydhabo ayaa sheegaya in Shariif Xasan uu ka badbaaday dil lagu khaarajin rabay kadib markii qarax iyo rasaas lagu bilaabay guriga uu ka degan yahay Baydhabo oo ah guri wakhtiyo hore uu deganaa Talyaanigii.
Weerarka ayaa markii hore ku bilowday gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay, kaasoo ku qarxay agagaarka Madaxtooyada Baydhabo.
Madaxweynaha Maamulka Koonfurgalbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa ku sugnaa gudaha xarunta Madaxtooyada oo ku taala xaafada Isha ee Magaalada Baydhabo markii weerarka dhacayay, iyadoo ka bad baaday weerarka.
Wararka ayaa sheegaya inuu jiro khasaare ka dhashay weerarka, inkastoo aan si dhab ah loo ogeyn, Isgaarsiinta magaalada ayaa ah mid ciriiri ah.
Shan nin ee weerarka soo qaaday ayaa waxay ahaayan kuwa aad u hubeysanaa, waxayna dagaal adag la galeen ciidamada ilaalada ka ahaa xarunta madaxtooyada ilaa iyo intii gurmad adag ka soo gaarayay ilaalada madaxtooyada aad ayay u dagaalamayan.
C/llaahi Warmooge
ARAABINEWS