Wasiirka waxbarashada dawlada dhexe ayaa Ka digey cunaqabatayn maamuladu isku soo rogaan kadib markii maamulka horjooge Siciid Deni ee Butlaan uu amrey in aan waxa alaaba la geyn gobolka Hiiraan, alaabtaas oo ka soo degta dekedda qarankii dhisay ee Boosaaso.
Maamulka Hirshabeele ayaa iyaguna Ku hanjabay inay horjooge Siciid Deni tusi karaan in aan wax faaiido ah ugu jirin talaabada uu qaaday oo iyaga lafteedu keliya weecsan karaan halka ganacsatadu wax kala soo degaan.
Dagaalkan dhaqaale eeuu bilaabay horjooge Siciid Deni ayaa waxa ka hadley wasiirka waxbarashada oo Ka digey is curyaamin ay isku sameeeyaan maamuladu xilli midkoodna awoodin inuu dadka wax u qabto oo keliya fadhiga ku jaqaan cashuurta masaakiinta.
Waxa qasaare qaba waa masaakiinta ayuu yiri wasiir Goodax, haba ugu darnaadaan deegaanada Butlaan. Waxaan leehay Butlaan haka waantowdo wax aan faaiido ugu jirin muwaadiniinta markii horeba dhibanaa ayuu yiri Wasiir Goodax.
C/llaahi Warmooge
ARAABINEWS