Muqdisho–Wasiirka amniga dawlada Somaliya ayaa markii ugu horeysay ka hadlay haweenay is qarxisay oo uu sheegay in ay sidatay baasaboor reer Yuruba inkastoo uuna sheegin wadanka ay sidatay. Wasiirka ayaa sheegay in haweenaydu ayna waligeed seexan huteelka ee kaliya ay seexatay habeenkii ka horeeyay qaraxa.
“Haweeneydan waxaan maqalnay inay Yurub ka timid, ninkeediina uu Xamar ku dhintay, sababo uu u dhintayse aysan ogeyn, waxayna lahayd lix carruur ah oo labo-labo mataano u ahaa. Weligeed hoteelka ma seexan, balse waxay seexatay markii ugu horeysay maalintii qaraxyadu dhacayeen habeenkeedii,” ayuu raaciyay.
“Qaraxyadan waxay dhaliyeen khasaare badan oo dhimasho iyo dhaawac ah, waxayna ku dhaceen habacsanaanta dhanka ilaaladii hoteelka ah. Gabadha is-qarxisayna qaybta soo dhaweynta hoteelka ayay ka shaqeynaysay wayna is-qarxisay,” ayuu ku daray.
Wasiirku wuxuu kaloo sheegay in la ogaadey in Ilaalada Hotelka ku qornaa la badalay isla markaana magacyadii horey loo diiwaan geliyey kuwo aan ahayn ay maalintaas joogeen oo ahaa kuwo cusub, gacantana lagu hayo qaar ka tirsan shaqaalihii hotelka oo baaritaano ay ku socdaan, markii baaristu dhamaantana ay warbixin waafi ah bixin doonaan.
Wasiirku wuxuu intaa raaciyay inay xog ku heleen in laba casho ka hor maalintii uu qaraxu dhacay ay lixdii caruurta ahaa ay hooyadeed u dirtay, balse aysan garanayn meesha ay hooyadu degen tahay.
C/llaahi Warmooge
ARAABINEWS