Thursday, April 18th, 2024
header










Meta







Waxaan haysanaa qayb dhan oo ka tirsan Somaliya marka go’aanka dhib male: Kiiniya

Waxa berito gelinka dambe aad loo sugayaa go’aanka dacwada badda oo dhamaan la ysku raacsan yahay in dalku guul ak soo hoyn maadaama Kiiniya ogaatey inaan meesha waxba u oolin. ”Waxa guusha kuu tilmaamaya dee nin guul haystaa kama maqnaado goobta guusha lagu siinayo ayuu yiri Cali Calasow.



Waxase Kiiniya qabtaa mar hadday Koofurta dalka inteeda badan joogto wax walwala kuma qabto go’aanka badda. ”Waxaan haysanaa qayb dhan oo Koofurta dalka Somaliya ah marka go’aanka badda ee soo baxaya dhib naguma hayo ayuu yiri xildhibaan ka tirsan dawlada Uhuru oo diidey in la sheego magaciisa.



”Somaliya awood ay ku qabsato oo ku xaqiijiso badda loo xukumayo male horta waa inay xoreysaa Koofurta dalkeeda naga xoreysaa ayuu raaciyay. Kiiniya ayaa sheegtay inay qaramada midoobay ka codsatey in sanadka dambe la hoosgeeyo ciidankeeda. Dawlada Somaliya ayaa diidey arinkaa markale.

Waxayse aad ugu rajoweyntahay in doorashada dalka uu soo baxo horgale. ”Anaga waxaan awood saaraynaa sidii aan ku soo saari lahayn horgale aan danahayaga ka fushano oo aan ka ahayn Axmed Madoobe ayuu ku qanacsan yahay xildhibaanku.



”Waa hubka keliya ee aan hadda haysano haddii uu soo noqdo madaxweynaha hadda waxaan qarka u saaranahay in aan dalka ka baxno ugu yaraan Kismaayo ayuu qirtey.



Si kastaba ha ahaatee Kiiniya oo awoodo kale isku halaynaysa markasta ayaa qabta inayna jirin cadaadis hadda ugu iman kara Somaliya.

C/llaahi Warhaye

ARAABINEWS



Readers Comments (0)




Wararka xiga

Iiraan oo gaartay lix guul oo horleh weerarkii Yuhuuda

April, 16, 2024
Weerarkii Iiraan ay ku qaaday Yuhuuda ayadoo la ...

Yuhuuda oo qiratay in saldhig milatari iyo gego diyaaradeedba ku daayeen

April, 14, 2024
Weerarki xalay ee Iiraan ku qaaday Yuhuuda oo ...

Maraykanku ma ku dhacaa inuu weeraro Iiraan kadib weerarkii Yuhuuda?

April, 14, 2024
Iiraan ayaa hurdada u diiday Yuhuuda iyo kooxda ...

Wadamada Kuwayd, Qadar oo Maraykanka u diiday

April, 13, 2024
Wadamada Kuwayd iyo Qadar ayaa Maryaykanka u diiday ...

Iiraan oo maskaxiyan u dishay Yuhuuda xilli ayna far

April, 13, 2024
Iiraan ayaa wacad ku martay inay ka aargoosato ...

Dhacdooyinka

Sucuudiga oo safar raali gelina ugu tagay dabadhilifka Yukrayn

February, 26, 2023
Ayadoo madax ka tirsan Sacuudiga ayna weligood booqan ...

Dhulbahante oo ugu dambeyn ku heshiiyay inay is xoreeyaan

December, 31, 2022
Dhulbahante oo caadiyan ka kala adeegta maamul jufeedyada ...

Imaaraadka oo qirtey inay dhaceen maamulka Somalilaan

December, 29, 2022
Itoobiya ayaa iyadu ka baxday saami uu Tigreegii ...

Nin gabdhaha daroogeeya kadibna muuqaal ka duubta oo la qabtey

November, 20, 2022
Muqdisho caasimadii hore ee dalka ayaa noqotey bahalo ...

Ruushka iyo Shiinaha oo noqday saaxiibka keliya ee Somaliya

November, 20, 2022
Kooxda Xalane ayaa markale Somaliya ku giijisay cunaqabataynta ...

Qadar oo koobka adduunka ka faaiidey dad badan oo diinta qaatay

November, 20, 2022
Waxa furmay koobkii kubadda cagta adduunka waxana guuldaro ...

Madaxweynaha FIFA oo reer galbeedka ku tuntey

November, 20, 2022
Ayadoo maanta ay bilaabmayso koobka kubadda cagta aduunka ...