Friday, March 21st, 2025
header










Meta







Waxaan kaliya oo aan kala hadalney Shiinaha sidii shirkada macdanta ka guranaysa buuraha Siimoodi ee Awdal shaqada looga joojin lahaa: Dawlada Somaliya

WP_20150102_001Muqdisho 07 Jan 2015–Wasaarada macdanta iyo batroolka ee dawlada Somaliya ayaa sheegtay in safiirka Shiinaha kaliya kala hadleen sidii shirkada ARC oo macdan ka qodata buuraha Siimoodi meesha looga joojin lahaa.

Dawlada Somaliya ayaa beenisey warar ay Somalidu qortey oo sheegaya inay dawlada Shiinaha ka codsadeen inay ka caawiyaan soo saarista shidaalka iyo macdanaha kale.

Shirkada ayaa qoratay shaqaale waxayna buuraha iyo deegaanka ku aaseen sun ay ku dhinteen xoolihii dadkuna ka qaadeen neef qabatow.

Warsaxaafadeed ka soo baxay wasaarada ayaa lagu sheegay in falka shirkadani keenay xasilooni daro aan lagu aqoon gobolka sidaas awgeedna loo sheegay in ay joojiso.

“Dawladda Soomaaliya waxay walwal ka muujnaysaa, sida horeba u dhacday, in shirkadaha sharci darrada ahi ay qaarkood ku hawlyihihiin inay sun ku aasaan badda iyo barriga Soomaaliya. Si looga fogaado xasarado iyo colaado ka dhaca gobolkaas, wasaaradda Macdanta iyo Batroolka waxay ka dalbanaysa ARC inay si degdeg ah u joojiso macdan baarista sharci darrada ah ee ay wado taas oo dhalisay xasarad siyaasadeed & nabadgelyo oo ka aloosantay deegaankaas oo muddo dheer ahaa meel nabdoon”ayaa lagu yiri War saxaafadeedka.

Sidoo kale waxaa loogu baaqay dowladda Shiinaya in shirkadaha dalkeeda laga leeyahay in aysan ka qeyb qaadan sii hurinta colaadaha sokeeye ee Soomaaliya, sida lagu yiri war saxaafadeedka.

“Waxaan uga digeynaa dhamaan shirkadaha caalamiga ah ee macdanta iyo shidaalka baara inay galaan heshiisyo sharci darro ah, oo heerkoodu ka hooseeyo habdhaqanka caalamiga oo ay isku dayayaan inay kula soo baxaan khayraadka Soomaaliya, kuna qaataan si rakhiis ah oo aan waafaqsanayn sharciyada dalka iyo xeerarka caalamiga ah ee khuseeya macdan iyo shidaalka. Dawlada Federaalka ah ee Soomaaliya masuul kama aha wixii dhibaato ama khasaare ah oo soo gaaro shirkadaha sida sharci darrada ah kusoo gala dalka”ayaa war saxaafadeedka ka soo baxay Wasaaradda Macdanta iyo Batroolka lagu yiri.

Shirkadan ayaa ku xadgududbtey sharciyada aduunka iyadoo sumaysay deegaanka iyadoo adeegsanaysa dhalin bilaa shaqo ah oo shilimaad ku tuurto uguna bedesho deegaan sun ah.

C/llaahi Warmooge, MUQDISHO

ARAABINEWS

Readers Comments (0)

Comments are closed.

Wararka xiga

Reer Awdalow shaqo haku darsanina dagaalada Isaaq kula jiro jaarkiisa

December, 30, 2024
Madaxweynaha Awdalstate Dr C/samad Nageeye ayaa fariin u ...

Madaxweynaha Awdalstate oo afka furtay. Waa shaqaale kuwa Hargeysa tagay

December, 15, 2024
Madaxweynah Awdalstate Dr C/samad Nageeye ayaa afka furtay ...

Halkan ka daawo adaa arki cida Suuriya u gacan gashay

December, 14, 2024
Waxaad aad uga naxaysaa ninka is dhiibay ee ...

Qisada Cumar binu Khadaab iyo haweenay oynaysa oo ninkeedu ka maqnaa

August, 16, 2024
Qisada amiir Cumar binu khadaab iyo haweenayda ooyaysa. ...

Qisada xanuunka badan ee Umu Salamah (xaaskii rasuulkeena (SCW)

August, 16, 2024
Umu Salamah waxay markii dambe ka mid noqotey ...

Dhacdooyinka

Sucuudiga oo safar raali gelina ugu tagay dabadhilifka Yukrayn

February, 26, 2023
Ayadoo madax ka tirsan Sacuudiga ayna weligood booqan ...

Dhulbahante oo ugu dambeyn ku heshiiyay inay is xoreeyaan

December, 31, 2022
Dhulbahante oo caadiyan ka kala adeegta maamul jufeedyada ...

Imaaraadka oo qirtey inay dhaceen maamulka Somalilaan

December, 29, 2022
Itoobiya ayaa iyadu ka baxday saami uu Tigreegii ...

Nin gabdhaha daroogeeya kadibna muuqaal ka duubta oo la qabtey

November, 20, 2022
Muqdisho caasimadii hore ee dalka ayaa noqotey bahalo ...

Ruushka iyo Shiinaha oo noqday saaxiibka keliya ee Somaliya

November, 20, 2022
Kooxda Xalane ayaa markale Somaliya ku giijisay cunaqabataynta ...

Qadar oo koobka adduunka ka faaiidey dad badan oo diinta qaatay

November, 20, 2022
Waxa furmay koobkii kubadda cagta adduunka waxana guuldaro ...

Madaxweynaha FIFA oo reer galbeedka ku tuntey

November, 20, 2022
Ayadoo maanta ay bilaabmayso koobka kubadda cagta aduunka ...