X

Xaaska safiirkii Giriiga ee dalkaasi Baraazil oo qiratey dilka ninkeeda iyo sida dilka loo fuliyay

Booliiska dalkaasi Baraazil ayaa shaaca ka qaaday sida loo diley safiirkii dalkaasi Giriiga iyo xaaskiisa oo qiratey dilka iyadoo waliba ka sheekaysay sida dilka u dhacay.

Safiirka Giriiga ayaa maydkiisa laga dhex helay gaadhi gubtey oo laga tuurey buundo ku taala Woqooyiga Rio ee caasimada labaad ee dalkaasi. Safiirka ayaa xaaskiisu u dhalatey Baraazil.

Safiirka iyo xaaskiisa ayaa isqabay 13 sano waxana u joogtey gabadh jirta 10 sano. Safiirka ayaa qunsul ka noqdey Baraazil intii aan loo magacaabin safiir buuxa.



Booliiska Baraazil ayaa xaqiijiyay in nin booliisa oo xaaska safiirku jeclayd uu safiirka ku dhex dilay gurigiisa kadib markii sida ninku qirtey  ay is dhaafeen. Booliiska ayaa diidey hadalka ninkaas.

 

Ninka booliiska ee diley ayaa sheegay in safiirku ka cawdey xaaskiisa in lagu hayo qashqashaad kadibna is qabteen sidaana ku diley naqaskana ku dhejiyay.

 

Xaaskiisa ayaa iyaduna qiratey in ay dilka qorsheysay kadib markii booliisku u sheegay in ayna dafiraad meelna gaarsiinayn. Xaaska oo ilmaynsa ayaa sheegtay in uu ku dhintey gacanta ninka booliiska ee uu ka dhexeeyay jacaylku.



Booliiska baadhitaanka waday ayaa hore u sheegay in ay arkeen dhiig yaala fadhiga guriga safiirka.

 

Xaaska safiirka ee ninkeeda dishey ayaa iyaduna hore u sheegtay in ninkeeda waysan tahay una sheegin halka uu tagey. Waa safiirkii u horeeyay ee ku dhinta dambi jacayl.

 

Sawirka hoose waa xaaska safiirka dishey

 

 




Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS

 

admin:

This website uses cookies.