Ugu yaraan 12 qof ayaa dhimatay tiro intaa ka badan waa ay dhaawacmeen kaddib markii gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa uu ku qarxay gudaha xarunta Jaaamacadda Kismaayo, halkaasi oo ay tababar uga socotay ciidamada isku dhafka ah ee la doonayo inay ka qeyb qaataan dib u xoreynta goobaha ay Shabaabku ku dhuumaaleysanayaan ee gobolka Jubada Hoose.
Qaraxa ayaa loo adeegsaday gaari nuuciisa ahaa Nooh, oo laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa, kaasi oo horey loo sii dhigay gudaha xarunta, iyadoo dadkii ku dhaawacmay loola cararay goobaha caafimaadka.
Weerarada argagixisada ayaa inta badan ah kuwo fuleynimo oo ah ku dhifo oo ka dhaqaaq ama qaraxyo ay dhigaan goobaha shacabku ku badan yihiin.
C/llaahi Warmooge
ARAABINEWS.COM
Wararkii hore
Reer Awdalow shaqo haku darsanina dagaalada Isaaq kula jiro jaarkiisa
Madaxweynaha Awdalstate oo afka furtay. Waa shaqaale kuwa Hargeysa tagay
Halkan ka daawo adaa arki cida Suuriya u gacan gashay