Monday, June 1st, 2020
header

Xasan Sheekh ma Somaliya ayuu u hadlaayay mise Kiiniya ayuu afhayeen u ahaa

Waxaan wada ognahay in kiiska badda Somaliya iyo Kiiniya uu maxkamad horyaalo ayna u taala maxkamada inay go’aan ka gaarto xilliga ay qabanayso dhegeysiga u dambeeya. Waxaan shalay dhegeystay fadhiid Xasan sheekh Maxamuud oo la ogaa halka uu Somaliya kaga soo haray.



Waxaan is lahaa marnaba ka hadli maayo dacwada badda waayo waa kii lagu qasbey laguna waaniyay inuu geeyo maxkamada caalamiga ah mar hadday Kiiniya diidey inay miyirsato laakiin damacday inay laaluush ku qaadato baddeena.

”Ugu yaraan waxaan is lahaa wuxuu sheegan doonaa in dacwadii badda uu isagu geeyay haddana uu guul ka sugaayo maadaama intii ka hadhay ay dhamaystireen madaxdii ka dambeysay ayuu yiri Cali Calasow.



Fadhiid Xasan Sheekh oo dalka jufo jufo geliyay shalayna afka ku balaadhiyay inuu madaxda hadda jirta ay ka gaabiyeen in dalka la sii kala jarjaro ayaa cida keliya ee uu la hadlaayay ay ahayd Kiiniya. Maxkamad kiis yaala cidna hadal ugama furna laakiin waxa lagu yiri hadal ayuu yiri Cali Calasow.

Wuxuu ku bilaabay oo dad badana markiiba ay ogaadeen inuu afhayeen u yahay Kiiniya kulahaa weligay Kiiniya iskuma aanan dhicin intii aan joogey.



Lama yaabayo haddii afjayeen u noqonayo waayo hore ayuu ugu sujuudey meydkooda ayuu yiri Cali Calasow laakiin waxaan leehay meel wax kaaga banaan yihiin raadso sida Suma wala.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS



Readers Comments (0)

Comments are closed.

Wararka xiga

Deg deg: Ciidamada qaranka Liibiya oo jabiyay kuwo taabacsan Erduqaan

June, 1, 2020
Ciidamada qaranka ee dalkaasi Liibiya ee hoos yimaada ...

Muwaadiniin go’doonsanaa oo dalka dib loogu soo celiyay

June, 1, 2020
Dawlada Somaliya oo gudanaysa waajibaadkeeda ayaa dalka dib ...

Dawlada Somaliya oo sharaxday sababta ay u joojisay diyaarado Kiiniya leedahay

June, 1, 2020
Dawlada Somaliya ayaa shaacisay inay dalka ka mamnuucday ...

Xisbiga Wadani oo soo faqay fadhiidnimada Saylici: Ummada ka hor gudub

June, 1, 2020
Afhayeenka xisbiga wadani ee maamulka Somalilaan ayaa qarxiyay ...

Xagjir Taram oo loola cararay dhufaysyada hoose ee madaxtooyada

June, 1, 2020
Waxa welli socda banaanbaxyo isku bedelay bililiqaysi dalkaasi ...

Dhacdooyinka

Barnaamijka doorka aqoonyahanka iyo saxafiga Faysal Abroone

May, 17, 2020
Maxaa u sababa in fatahaada webiga Shabeele uu ...

Maamulka Somalilaan oo sheegay in cudurka Kooro sii kordhey

May, 9, 2020
Afhayeen u hadlay maamulka Somalilaan ayaa sheegay in ...

Uhuru oo ka aargoostey Somalida Kiiniya iyo qaylo dhaan jirta

May, 7, 2020
Kadib fashilkii ku yimi siyaasada Kiiniya ee Somaliya ...

Cabi Axmed oo u digey Tigreyga raba inay qabsadaan doorasho

May, 6, 2020
Raiisal wasaaraha Itoobiya Cabi Axmed ayaa u digey ...

Ciidanka xooga dalka oo hadda baacsada argagixisada

May, 5, 2020
Waxa caadi noqon jirtey in argagixisadu weerar ku ...

Xaafada Daami ee Hargeysa oo diidey quudhsi Muuse Biixi kula kacay: DAAWO waxa sababay

May, 4, 2020
Xaafada balaadhan ee Daami oo ah xaafadihii Hargeysa ...

Dhamaan bahda Araabinews oo tacsi u diraya ilma Faarax Cabdillaahi

May, 3, 2020
Dhamaan bahda Araabinews ayaa ka tacsi ka diraya ...