Madaxweynaha Somaliya Xasan Sheekh ayaa saaka dalxiis dheer ku tagaya dalka Maraykanka magaalada Newyork halkaas oo madaxda aduunku isugu tagi doonto laakiin Xasan Sheekh iyo inta la socota u ah dalxiis maadaama uu ku fashilmay hogaanka dalka hadana mooshin laga keenay kursigiisa. Xasan Sheekh ayaan ka maqnaan kulamada QM ee ka dhaca New York kaas oo aanu kii hore iyo kii ka horeeyay aanu waxba ka soo hoynin.
Wafdiga Madaxweynaha ayaa waxaa garoonka ku sii sakootiyay Ra’iisulwasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke, Guddoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari iyo Mas’uuliyiin kale.
Waxa sidii caadiga ahayd la filayaa in lagala hortago banaanbaxyo qabiilaysan oo aan marnaba matalin danaha dadka inkastoo banaanbaxyada qaar ay yihiin kuwo ku hadlaya fashilka uu ku hogaamiyay dalka oo manta aanay jirin wax la taaban karo xataa askartii tahay bilaa mishahar.
C/llaahi Warmooge
ARAABINEWS.COM
![IB0A74771[1]](https://araabinews.com/wp-content/uploads/2015/09/IB0A747711.jpg)
![IB0A74841[1]](https://araabinews.com/wp-content/uploads/2015/09/IB0A748411.jpg)
![IB0A75121[1]](https://araabinews.com/wp-content/uploads/2015/09/IB0A751211.jpg)
Wararkii hore
Reer Awdalow shaqo haku darsanina dagaalada Isaaq kula jiro jaarkiisa
Madaxweynaha Awdalstate oo afka furtay. Waa shaqaale kuwa Hargeysa tagay
Halkan ka daawo adaa arki cida Suuriya u gacan gashay